Oodweyne News - Latest Somali News Update

Xidhiidhka Ex-Wasiir Samsam Iyo Aamina Weris Iyo Shirkada Mad Madowgu ku jiro Somaliland Investment Company Limited

Shirkada mad madowgu ku jiro Somaliland Investment Company Limited oo wiigani laga diwaan galiyay dalka Imaaradka waxa Xoghayen ka ah Nin lagu magacaabo Cabdiraxmaan Xuseen Cabdalla, ninkaasi waxa habaryar u ah oo ay walaasheed dhashay wasiirkii hore ee maaliyada ee xukumaddii Siilaanyo marwo Samsam Adan Cabdi

 

 

Waxaana sidoo kale (Company Directors) Agaasimayaal ka ah Wasiir Sacad Cali Shire oo ay qaraabo dhow yihiin marwada madaxweynahii hore ee Somaliland Amina Waris iyo sidoo kale Baashe Cawil Cumar (Morgan)- oo ah wiil ay sodoh u tahay marwo Amina Waris.

 

 

Labadan haween ee kala ah Amina Waris iyo Samssam Adan Cabdi oo ahayd wasiirkii hore ee maaliyada ayaa dalka soo maamulaayay kadib markii uu xanuunsaday madaxweyanhii hore wakhti xiliyeedkiisii, waxna muuqata in shax cusub oo lagu maamulanaayo arimaha dekada iyo saldhiga Berbera oo mashaariic horumarineed la dhaafsaday ay iyagu hagi doonaan, waxanakuu cad in dalka ay wali taladiisa lug ku leeyihiin kooxdii dalka la degtay ee baabiisay, abuurtayna maanta kala qaybsanaantaasi ka muuqata bulshada.

 

 

Waxana la gudboo beelaha kale ee somaliland degga  in arimahani mugdiga dalka iyo horumarkiisaba galinaaya laga tashado, waana in dalka la galiyo isla xisbaabtan madaama oo madaxweynahii la doortay lagu dul shaxaayo oo maamulkii hore ee uu dalka kala wareegay ay wali gacanta ku haystaan mashaariicdii dalka la doonaayay in lagu horu marin lahaa.

 

 

Kooxdani waxa ay hore afka ugu dhigteen mashaiicdii SDF oo lagu lunsaday 64 Malyan oo doolar taasi oo maanta hadii tan lagu daawadana ay halkii iyo meel ka xun kala dhici doonaan