Kooxda Juventus oo laga jaray 15 dhibcood

Kooxda Kubadda Cagta Juventus ayaa 15 dhibcood laga jaray xilli ciyaareedkan, kadib markii ay maxkamad ku taalla dalka Talyaani ay baaritaan ku heshay khaladaad ka dhacay qaabkii ay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda uga soo iibsan jirtay ciyaartoyda, taas oo keentay in kooxda ugu guulaha badan Seria A-da ay hoos ugu dhacdo kaalimaha hoose ee kala horreynta horyaalka.

Juventus ayaa ka dhacday kaalinta 10-aad markii laga jaray 15 dhibcood, iyada oo markii hore ku jirtay kaalinta saddexaad, laheydna 37 dhibcood.

Xukunkan ayaa sumac xumo ku ah kooxda caanka ah ee Juventus.

Maxkamadda ayaa sidoo kale 11 ka mid ah agaasimeyaashii hore iyo kuwa hadda ee Juventus ka mamnuucday maamulka Kubadda Cagta wakhtiyo kala duwan.

Waxaa ka mid ahaa Andrea Agnelli oo toddobaadkan loo beddelay guddoomiye kadib markii uu si rasmi ah u casilay bishii Nofembar guddoomiyhii hore oo lagu xukumay 24 bilood iyo agaasimihii hore ee isboortiga, Fabio Paratici, oo hadda ah maamulaha kubada cagta ee kooxda Premier League ee Tottenham Hotspur oo lagu xukumay 30 bilood.

Juventus ayaa dafirtay inay khalad samaysay waxayna sheegtay in dhaqankoodu uu waafaqsan yahay heerarka Kubadda Cagta.

 

Reuters.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker