Xeer Ilaaliyaha Maraykanka oo magcaabay ‘qareen’ baaris ku sameeya Biden

Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Maraykanka Merrick Garland ayaa Khamiistii wuxuu magcaabay sarkaal baadhis ku sameeya ‘sida ay waraaqo sir ah oo dawladdu leedahay loogu kaydiyey’ xafiiskii hore ee madaxweyne Joe Biden uu ku lahaa Washington iyo weliba xafiiskiisa kale ee ku yaalla gobolka Delaware ee uu ka soo jeedo.

Xeer ilaaliyaha guud oo ah sarkaalka ugu sarreeya ee qaabilsan fulinta sharciga Maraykanka, ayaa u magcaabay dacwad-ooge Robert Hur, oo hore u ahaan jiray dacwad oogaha dawladda dhexe ee gobolka Maryland, inuu hoggaamiyo baadhitaanka lagu samaynayo waraaqaha sirta ah ee la helay.

Go’aanka xeer ilaaliyaha guud ayaa daba socday, isaga oo hore qareen gaar ah oo lagu magcaabo Jack Smith u magcaabay inuu baadhitaan kan la mid ah ku sameeyo madaxweynihii hore ee Donald Trump.

Donald Trump ayaa hore ugu guuldaraystay inuu xafiiska diiwaanka qaranka dib ugu soo celiyo waraaqo sir ahaa oo xasaasi ahaa, sida uu dhigayo sharciga Maraykanku, ka dib markii uu xilka ka tegey, hase ahaatee waraaqahaas ayaa markii dambe waxay FBI-du ka soo qaadeen gurigiisa raaxada ee ku yaalla gobolka Florida.

Garland ayaa u sheegay saxaafadda in magcaabista Robert Hur, “inay hoosta ka xariiqayso sida ay hay’addiisa uga go’an tahay madaxbanaanida iyo isla xisaabtanka, gaar ahaan xaaladaha gaarka ah”

Qaar ka mid ah xubnaha xisbiga Jamhuuriga ayaa ugu baaqay Xeerilaaliyaha Guud inuu magacaabo lataliye gaar ah oo baadhis ku sameeya madaxweynaha Dimuqraadiga.

Afhayeenka cusub ee Aqalka Congress-ka Kevin McCarthy, oo shir jaraa’id ku qabtay Aqalka Capitol ee dalka Mareykanka, ayaa yidhi, “Waxay ila tahay in Congress-ku uu arrintan baadhitaan ku sameeyo, uma maleynayo in qof Mareykan ah uu aaminsan yahay in cadaaladdu aysan ahayn mid loo siman yahay.”

Qareenka gaarka ah, Robert Hur oo 49 jir ah, wuxuu yeelan doonaa madax-bannaani ka badan xeer-ilaaliyaha federaalka ee caadiga ah si uu u baadho, sida Biden u maareeyay dukumeentiyada sirta ah, markii uu ka tagay xilka madaxweyne ku-xigeenka, horraantii sannadkii 2017, laakiin ugu dambeyntii wuxuu warbixintiisa ku celin doonaa Garland.

Dukumeenti daahfurka

Laba nooc oo waraaqo sir ah oo lala xidhiidhinayo madaxweyne Biden ayaa laga helay xafiisyadii uu lahaa ee ku kala yaalay Washington iyo Delaware.

Qareennada gaarka ah ee Biden ayaa isla markiiba waxay dhammaan ku wareejiyeen waraaqahan sirta ah xafiiska diiwaanka iyo Kaydka Qaranka, kaas oo ka mas’uul ah ka ah kaydinta iyo ilaalinta diiwaannada madaxweynaha.

Warbixintan waxaa qoray Ken Bredemeier

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker