Oodweyne News - Latest Somali News Update

Gabadhii ninka dhafadda ah la huruday. Qalinkii: sadam osman kaabash.

Waa ehlu-marqaan weynaaday, labada daan iyo cankaba waxaa uga buuxa teqsiinta oo waxaad ku garanaysaa inuu qayilay wuu marqaansanyahay. Wuu isla hadlayaa oo faraha ayuu kolba jiho u taagayaa–marar ka qaarna isla hadalkiisa ayaa dhawaaqiisu dhegahaaga ku soo dhacayaa, illeen isma ogee!. Waxa uu xidhanyahay hu’ ka ugu liita ee ugu aragga xun. Waxaa kabo u ah laba buudha oo cidhibtu rifantay, labada suul ee jidhifaystay sida yaxaaskana wuu kale baxay oo markuu dhaqaaqaba dhagax baa mudaaya, sidaa darteed, waxaa suulashiisa ka muuqda waxaad dhiig ka gobo’ yidhi iyo habeed u kale garanwayday. Shaadkiisu wuu dhafadsaday, midabkiisuna waxa uu isu beddelay guduud, balse, guduudkaas waxaad ku garanaysaa in uu  dhidiq ku raagay yahay xagga dabaylka markaad ka marto siifadiisa aad ku diidayso ee ku leefaysa. Afkiisa oo midabkiisu is doorriyey iyana waa astaanta ugu liidata eed ku arkagsid markaad dheehato, ilkahiisa raaran iyo kuwa suusku daashaday waa muuqaalka guud ee aad  halacsanayso marku faraxsanyahay. Neefta qudhmuun, ka sii urdaran neef la dooxay oo bahal cunay waayowaayo; iyana waa astaanta uu leeyahay marka uu jabbanaha dhammeeyo. Waxa uu leeyahay oori uu jecelyahay, sida uu ku soo helayna Alle mooyee aan Aadame ka warhayn. La joogeeda se ma jecla, la sheekaysigeedana hadalkiisa daa. Guriga waxa uu u soo carraabaa niska danbe ee Allaylkii, illeen waa xaaji qaadya cun ahe!. Noloshiisa oo idil waxa uu ku jiraa meerta nololeedkaa liita.

Haddana  ninka muuqaalkaas leh, dhaqankiisuna sidaayahay. Waxaa u dhaxday oo nolol la wadaagta gabadh. Waxay u dulqaadatay carafka  buuqa badan  ee ka soo kamkamaaya. Waxay ka dooratay ina rag oo  dhan, dhallin iyo waayeel, qani iyi faqiir, sheekh iyo shariif, iyada oo u martay imtixaan iyo haasaawe in doora ay la soo daaladhacaysay. Gabadhani waxay ka yaabtaa dhafadda dharkiisa marka ay dhaqayso. Waxay ka naxdaa urta geddisan ee ka soo baxaysa afkiisa marka ay hebeenkii wada hurdaan. Waxa  intaas ba ka sii daran wehel la’aanta haysata maadaama uu habeen kasta soo xaadiro iyadoo hurdo dhammaysatay.  Gabadhaasi waa gabadh silloon Garaad ahaan, jidh ahaan, akhlaaq ahaan iyo fikir ahaan ba. Wax kale maahee nolosha macaankeda iyo aayaheeda danbe ayaa iskga khaldamay!.
Qalinkii: sadam osman kaabash.
Hargeisa, Somaliland
Demada: Mohamed Mooge.