Oodweyne News - Latest Somali News Update

WAXAAN AAD ULA YAABAY SHACABKII U CODEEYEY KULMIYE EE HADANA JEEGAAN LAGA SHEEGTAY DADKII CODKOODA LAGA DHIGAY HAL BACAAD LAGU LISAY

Waa wax dhaca oo aan ugub ahayn in lays dafiro oo dhinaha laysu jeexo balse waxaa Ugub inagu ah dad shacab ah oo meel walba loogu tegaayey oo cod la waydiisanayey in la yidhaahdo jeegaan baa isu codaysay ee idinku suuqa gala, hadaba Su’aasha ayaa ah maxay ku dhacday dafiraada intaa leeg ee la leeyahay halkaa ka baxa waa laydinka muraadsadee hada laydinma baahna, waa mid u baahan lafa gurkeeda iyo dib u fiirsigeeda ilayn ninkii xisbi kale u codeeyey ciilba ma qabee.
Waxaan anigu odhan lahaa in la kala sheegto oo la kala xigsado xisbigii Kulmiye waxaa sababay in lacagtii la lahaa waa la isticmaalay ee iibsiga kaadhadhka ay jirtay, waayo nin codkiisa la iibsaday hadhow malaha qiime xisbigana qiime uguma fadhiyo sidii xanjo macaanka laga dhamaystay ayaa la tuurayaa, waana ta keentay in xisbiga “Laba qolo sheegato” kuna tiraabto Jeegaan iyo faan aan loo meel deyin ay isla kala gurto waana abaalkood in cid walba oo u codaysay manta indha candhuuf loo mariyo.
Waxaa la yidhi hal booliyi nirig xalaala ma dhasho waana ta keentay in manta waxay qarsanayeen ama huursanayeen ka shifanto oo dadkaa xaqoodii ay dabooleen oo duudsiyeen, ay soo if baxdo anaga ayaa jeegaan iska leh anagaa dhashanay guusha anaga ayaa isu codaynay anaga ayaa dadka iska xigna anaga ayaa isu abti ah anaga ayaa isaaqa inta kale waa nalagu qurxiyey anaga ayaa isu hiilina anaga ayaa waddanka u millateriya bal intaaba way isu yihiine aan eegno waxay ku difaacaan waddanka.
Waxaa is weydiin leh haba ka sheegtaan dadka intiisa kale xisbiga oo Jeegaan hala baxaane Tolow mayagaa uGu badan S/land oo labadaa reer baa S/land inteedii kale ka batay ?  waa su’aal u taala intii u codaysay kulmiye ama halaga sheegto ama ha sheegtaane iyo intii aan u codaynba ee aan manta isku ciil kaanbiyeyn, Waxaan filayaa hadaan ka jawaabo waa maya iyagaa uGu yar balse nimcda iyo barwaaqada ayay xejin waayeen oo aadmigaa iska diciifa.
Dameerkaan Gaajada xamilin dheregna haynaynin
Dhuusada Jeegaanta Suuqyadaa laga dhegaystaa
Doqon dheregtay coonbaaligay cirirflaysaaye
Cadrad gabadha oo soo Uuunsatoo cadar ka kaahaayo
Oo ay tidhaa cad uun bay igu yaal waa cajebiyo yaabe
Waa wax aad looga xumaado in waddankii dhamaa ee ay 7 sanno ku soo ciyaareen hadana bal yaan dhibi ka dhicin loogu dul qaatay in ay hadalo aan munaasib ahayn iyo Salaadiin baa waaran loo soo jarayaa laysku cabsiiyo Salaadiinta la xidhayaa ma cidlay ka dhasheen saw ragg kamay dhalan maxaase loo xidhi waayey oo waaran loogu soo jari waayey kuwii ka hor caytamay ama ka hor hadlay miyaanay daan daansi ahayn iyo in nimcadii la xejin waayey,
Ali cabdi caraale
jmladam413@gmail.com