Dowladda Federaalka ee Somaliya oo sheegatay dilka 90 Al-Shabaab ah

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ku dhowaad 90 ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab ay ku dishay howlgal ay sheegaty in 48 saac ee lasoo dhaafay ay ka fulisayeen deegaanka Juxaay ee ka tirsan gobolka Shabellada dhexe, halkaas oo ay tilmaantay inay isku uruursanayeen boqolaal ka tirsan maleeshiyada Alshabaab.

Wasiirka ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya oo xilli dambe oo xalay ah shir jaraai’d ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyay, waxaana uu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxibada caalamka ay si buuxda gacanta ugu dhigeen deegaanka Juxaay.

Cabdiraxmaan Caddaala, ayaa sidoo kale sheegay in hub iyo saanad ay ka qabsadeen maleeshiyadii ay kula dagaallameen halkaasi.

Howlgalkaasi ayaa qeyb ka ah dagaalka dowladda Soomaaliya ay kula kirto kooxda Shabaab oo bilihii lasoo dhaafay ka socda gobolka SH/Dhexe iyo Hiiraan, wuxuuna imaanaya iyadoo dhowaan dowladda Soomaaliya ay sheegtay inay si rasmi ah ula wareegtay degmada Aadan Yabaal oo aheyd xarunta ugu weyn kooxda Shabaab ay ku lahaayeen gobolka Shabellada dhexe.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker