Oodweyne News - Latest Somali News Update

SOMALILAND JEEGAAN VS SOMALILAND GIRAAN.

Somaliland waa hoygii nabada, xoriyada, fanka iyo  suugaanta, waa hoygii futuuxul xabasha ama albaabkii diinta islaamku geeska africa ka soo galay  AWDAL SAYLAC ilaa dhulka abasiiniya ( Ethiopia)..

waa umada keliya ee burburkii  dawladii dhexe ee somaliya ku guulaystay in ay isku
tashadaan nabadeeyaan dadkooda iyo dalkooda oo mudo sanad ah u fadhiyey
BORAMA AWDAL  in ay dhidibada u aasaan nabad waarta nabadayen socotay
sadexne sadex sano oo ka bilawday BERBERA, SHEIKH, BURCO lagu gunaanaday  BORAMA,
SOMALILAND  RECONCILIATION  SESSION.
hormood waxa ka ahaa salaadiinta iyo siyaasiyiintii somaliland taas oo lagaga gudbay iska hor imaadkii JABHADII SNM.
Bacda muruurul semen  oon ku naaloonay nabad , hor u mar  iyo doorashooyin
loo guuray oo qabiilkii laga guuray 27 sano ka dib waxa dalkeenii ku soo rogaal celiyey laba shay oo khatar hore inoo geliyey taa ah QABYAALAD IYO JABHADAYS
la magac baxay laba qabiil JEEGAAN QORI ISKU DHIIB AH OO HAGBAYSAN.
Somaliland waxa soo food saaray  shan shay oo khatar gelin kara jiritaanka dalka.
  1. dagaalka tuka raq 2. abaaro dib u curtay  siiba awdal 4.sicir barar heer xun maraya 5.kala furfur qabyaaladeed oo bulshadii kala irdheeyey.
XALKA DAWEYEN KARA.
===================.
shir degdeg ah turxaansaarid iyo booga dhay aafadii doorashadii la INQILAABAY
cadaalad dhab ah oo lagu soo dabaalo dalka ,la galo wada lahaansho dhab ah maal iyo mansaba dalkan somaliland, la ga boxo riyada jeegaanta la magac baxday,
lagu soo celiyo dalka giraan gudaheega lagu wada jiro.iyo dawlad cadaalad ah oo la wada hadhsado.
taa hadii la waayo oo ay muuse iyo kaahin temeshlaha ay bilaabeen tii oo dalka col iyo abaaro, sicir barar jiro xaalkeenu waa REER BAOOW YAA KU LE  iyo SALAAN IYO KALA TAGA.
Adeeroow dhulka u soo noqda cirka la eegayo ma soconayo.
miiska nabadayenta , waxwada lahaanshaha ha loo soo noqdo. runta biyo kama dhibcaanka ha loo soo noqdo iyo miiska wada tashiga.taluu reer ku dhaqmaa.
TALLO WAA TA ALLA
TUSMANA WAA TABAHEENA,
INAGOO TASHANA.
TALADEENA MIDAYENA,
KU TIRAABNA CADAALAD.
BEYLAHDEENA TILMAAMNA
DHAMAANTEEN TASHANA
KU TIRAABNA DIFAACA
TABASHADEENA DHAMAYENA.
DHAMAANTEEN ISKU TIIRSAN.
RIYADAA KA TAGNA
KU TIRAABNA CADAALAD  ,
LABO TALOBA TII ROON
RABAW ADAY TAADA NOQOTAA.
XAQ U DIRIR
MUSA AW HASSAN LODOON
AWDALI DUBAI.