Oodweyne News - Latest Somali News Update

Muuse Biixi Macalinkiisii Kursiga ku wareejiyey ee Siilaanyo, wuxuu kula Dardaarmey, Ha hadlin, Ha Hugmin, Hadaad baxayso & Hadaad soo Noqotaba.

Muuse Biixi Macalinkiisii Kursiga ku wareejiyey ee Siilaanyo, wuxuu kula

Dardaarmey, Ha hadlin, Ha Hugmin, Hadaad baxayso & Hadaad soo Noqotaba.

Siilaanyo Warbaahinta waa loo diidi jirey, waana laga hor joogsan jirey, Muusana Dariiqii Siilaanyo & Mid Ka

xun ayuu raacay, oo Tv,yadii & warbaahintii & Xiitaa Salaantii & Haybadii Dawladnimo ee ahayd astaanta &

Sumadii Calanka wuu baabi,iyey, oo wuxuu u muuqda Keligii Taliy & xukun askari.

Bal u Fiirso, Laba Goor ayuu Airportka ka dhoofey, afkuu xidhay, Cidna lamuu hadal, hadana Madaxweyne

ayuu sheeganayaa, waxa hadana la leeyahay Madaxweynihii oo debeda u baxay.

Sidaas Darteed, xaalkii Muuse waa juuqla, sanqadhla oo Tv,yadii & warbaahintii uu iskala han weynaaday

inuu la hadlo, oo Umada & shacabka uu wax u sheego.

siilaanyo Warqado ayuu sidan jirey, ama waaba laga hor joogsan jirey, Muusana wuxuu yidhi Weriye & Tv,

midna laysoo ag marin maayo.

Somalidu waxay tidhaa Sadex Deriskaa waad kaga dayataa, ama waad kaga dartaa, Siilaanyo ayey Umadu

kaga caban jirtey Umada wax uuma sheego, Weriyayaasha waa laga hor joogsadaa, Muusana waabu ka sii

daray oo agtayda ismaba soo taagi karo Weriye ayuu ku dhawaaqay, Hadal & sua,aalo la weydiiya daayo.

Kolkaa Siilaanyo oo Diktaytar ah wuxuu Kursiga uuga degey Ardaygiisii uu Macalinka uugu ahaa Isdhagooleynta

Qabyaalada, eexda, Musuqa oo waataa Muuse Biixi Jeegaantii isku xeerey, waakaa Suldaankiisii ku gubaabiyey

Burco & Togdheer ka soo baan oo Bam soo dhex dhig Bulshada S/Land, horana Muuse & Ina Kaahin ay Umada u

qaybiyeen, oo badh ku sheegeen Somaliya, Imikana ku andacoonayaan Reerihii Jeegaantu waa isu abtiyo & xigaal

oo wey iska xigaan Beelaha kale ee S/land.

Hadaba, Muuse Macalinkiisii Siilaanyo si fiican ayuu uga xafidey, Diktaytarnimo, Kala Talisnimo, Iska hor keenka

Shacabka & Eexda & Qabyaalada oo Waataa Jeegaanland sii xoogaystey, ee uu Muuse Suldaankii Guud ku yidhi

Jeegaanta waan korinayaa ee baabi,in maayo waayo Kursiga ayey i saareen, kolkaa Muuse Jeegaanta & Kala fogeynta

Shacabka Kursiga ayuu ku fuuley, waanu korinayaa Jeegaanta & Labada Reerba ee H/awal & H/jeclaba.

Jeegaanta & Muuse & Ina Kaahin waxay ka helaan ayey leeyihiin, kol hadii Wada jirka & wax wada lahaanshuhu ka

dhaxeeyey ay ku kala fogeeyeen, Jeegaan & reero oo Suldaankii Muuse ku baanay Guushii Jeegaanta waan ugu

ambalyeynayaa, Habareclo.

Ilaahaw Sahal Jeegaanta, Muuse & Suldaankiisu waxay soo wadaan, waa isnac, kala dir & Beelo laka sheegto, S/Land

lawada lahaa ayey ahayd, Imikana Jeegaanland ayey Siilaanyo & muuse abuureen, waa ayax tag eelna reeb Siilaanyo

wuxuu ka tegey Muuse & qabyaalad & Boqortooyo aba Reer & eegaan.

Wabilaahi Tawfiiq.

 

 

 

Asha Jama