Oodweyne News - Latest Somali News Update

Daawo Dhibaatada Tahriibta iyo Waxa Lala Kulmo kaga bogo Sawirada Oodweynenews idiin soo diyaariso

Mar walba waxaad niyada ku haysaa waddankaaga waxa aad ka wayday in aanad meel kale ka helayn kalana kulmi doonto hungo iyo maxaa igu soo watay marleyba waddan aanad u dhaln afkiisa garanayn cid ku taqaana helayn kala midab tihiin waxaad kala kulantaa waa dhibaato iyo weji gabax iyo kuyuu cuntada aad u gasho qorax ama qabow kuu dheer imikana kufsi iyo Organs ka jidhka oo lagala baxo qofka bal hadaba ila arag
Waa madaxda adduunka uGu tunka weyn madaxweynaha Maraykanka iyo Ruushka waxaan odhan lahaa haybad waxaad ku leedahay dhulkaaga hooyo cisi iyo sharaf iyo maamuus intaba dhulkaaga ayaa lagu yeeshaa baryo iyo daasad la qaato waxaad ka garan kartaa karaamo xumada iyo sharaf dhaca ay leedahay dadka dewersaada ama shaxaadka ku nool iyadoo somalidu tidhi baryo badan iyo bukaan badanba waa laysku nacaa hadana bukaanka illahay (sw) ayaa keena ee baryada waa wax laga xoogsan karo oo laga hour mari karo
Waad aragtaa darxumada ay leedahay tahriibtu dadkaa waxa dhaxan ay taagan yihiin kuyuuga ay uGu jiraan cuntada qaarna geedaaba lagu soo gurayaa iyadoo si aanu dhaxanta u dareemin dhar looga dhigay lana hogaaminayo dumarkii oo socon kari waayey oo cidla lagaga tegayo iyadana waad aragtaa dhulkaagaa nimcadu taalaa
Waddamada loo soo tahriibayaa dhibkeeda ayay leeyihiin kuwo dadka qaar la dilo halkaana aad ka aragtaan mayd laga talaabsanayo kuwp dab qabsaday iyo kuwo roodhidii isku cidhiidhyaya markaa ciyaalka tahriibaya waxaan odhan lahaa mid naf la caariya ha maqlina oo aan run idiin sheegayn ee ka runta sheegaya maqla hana u badheedhina meel aanad ogayn wax idiinka soo horeeya
Bal hada Badda aad isku soo miidaaminayso u fiirso in kastoo la yidhi miidaamo dhega maleh haduu malag dhawaaqaayo dadkaa waxa haysta u fiirsda adigoo hedaadu dhulkaaga kuugu timaada ayaa ka roon adigoo badda isku haliga ama yimaada meel aan lagaa jeclayn markaa ka fiirsda oo naftaada aakhiro waa lagu waydiinayaa ha tahriibina
Dhibaatada badda waxaa u dheer iyadoo mararka qaar guryaha ay degaan la gubo gurigaa dad badan o qaxootiya ayaa deganaa waxaana ku naf waayey boqolaal lamina yaqaan wixii gubay fool xumada dadkaa waad aragtaan dhulkoodii ka doortay sidaa berigii slave ama adoonsiga dadka sidan ayaa loo soo rari jiray iyagoo silsilado ku xidhan diidanaan ay diidan yihiin in waddankooda sida xoolaha looga dhoofiyo hadana isagaa isa soo dhiibaya iyadoon wax kharashi ku bixin weliba nafta soo haligaya
ENG ABDIRAZAK YASSIN MAXAMED