Guddiga Qandaraasyada Qaranka oo Fashiliyey Qorshe lagu Xakamaynayo Qishka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dalka iyo Fadeexado soo if-baxay

“Heegan buuxa ayaa lagu jiraa, ciidamada kala duwan way nagala shaqaynayaan ammaanka hadday tahay booliska iyo Sirdoonkuba. Ardayga moobil laga qaado loo soo celin mayo, Ardaygana imtixaanka waa laga kansal-garaynayaa, markaa waxaanu…” Agaasimaha Guud Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska

 

Hargeysa (OWN)- Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, ayaa sannadkan u qorshaysay inay gacan bir ah ku qabato khiyaamooyinka iyo Qishka ku yimaadda Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Dhexe iyo Sare oo inta badan la tuhunsan yahay inay telefoonnada gacantu u fududeeyeen, waxaanay wasaaraddu go’aamisay in la hirgeliyo qalab loo lagu rakibayo goobaha imtixaanka, kaas oo khadka ka saaraya Anteennada Telefoonnada Gacanta.

 

 

Guddiga Qandaraasyada Qaranka oo Wasaaraddu hawshan u xil-saartay inay bulshada u soo bandhigto kuna tartamayaan Mashruuca keenista Qalabka, ayaa daba-yaaqada bishii Ramadaan ee aynu soo dhaafnay shaacisay Shirkad ku guulaysatay fulinta mashruucan oo ay ku kacayso adduun Lacageed oo gaadhaya $130,000 (Boqol iyo Soddon Kun oo Dollar), taas oo laga soo dhex-xushay dhowr shirkadood oo u tartamay Qandaraaska.

Warbixintan oo dhammeystiran ka akhriso oo guji HALKAN

 

OodweyneNews.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker