Oodweyne News - Latest Somali News Update

Guddoomiye SHARMAARKE GEELLE Oo Farriin Muhiim Ah U Diray Shaqaalle-weynaha Dawladda

Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland oo dhawaan diyaarisay sidii Hawlgal 2-da bilood ee soo socda ay shaqaalaha dawladdu guud ahaan deegaanadda Somaliland ka fulin doonto ee lagu sugi doono Diwaangelinta tiradda iyo tayadda madax taabashadda ee shaqaalaha ee dalka.

Waxay ku amraysa lana socodsiinaysaa shaqaale weynaha kala duwan ee Dawladdu in qof kasta laga helo CARD-ka aqoonsiga dhalashadda ee qof kasta oo muwaadin ah looga baahan yahay in uu haysta ka hor inta aan la gudo gelin shaqadda tirinta iyo madax taabashadda shaqaalaha dalka ee la bilaabi doono, waxaana qof kasta oo shaqaalaha dawladda ee la diwaangelin doono si loo sugo tiradda shaqaalaha guud ee dalka shardi u noqon doono marka loogu yimaado goobta ama hay’adda iyo wasaaradda uu ka hawlgalo ee dawliga ah ugu horeyn la hubin doono in uu yahay muwaadin haysta Kaadhka dhalashadd ee Jamhuuriyadda Somaliland.