Oodweyne News - Latest Somali News Update

Somaliland iyo Puntland Oo Ciidamo Soo Dhoobay Deegaanka Tukaraq, Iyo Dagaal Xili Walba La Filan Karo

Tukaraq(OWN)-  Somaliland iyo Puntland ayaa lagu soo waramayaa in ciidamo badan ay ku daabuleen deegaanno ka tirsan gobolka Sool, gaar ahaan duleedka deegaanka Tukaraq ee gobolkaas.

 

 

Wararka  waxay sheegayaan in xilli walbo la filan karo dagaal dhexmara Labada dhinac, iyadoo shacabkii ku dhaqnaa deegaanka Tukaraq ay kol hore bilaabeen iney isaga barakacaan halkaasi.

 

 

Labada dhinac ayaa warbaahinta isku mariyey hadallo colaad abuuri kara, mid walbana wuxuu sheegayaa inuu deegaankiisa difaacayo.

 

 

Warar madax banaan ayaa waxay sheegayaan in waxgaradkii ku howlanaa xallinta colaaddan ay ku guul dareysteen inay Labada dhinac ay nabadda ka dhaadhiciyaan.

 

Halkan hoose ka dhagayso warkaas oo dhan.