Oodweyne News - Latest Somali News Update

Sawiro Ugu Cajiibsanaa Dunidan Iyo Dhaxan ba’an Oo Laga Qaylinayo

Weli ma aragtay baraf dhalinyaradu ku dul ciyaarayso ku seexanayso ama dad feedho qaawani orod samaynayaan iyadoo barafka dhacaya aanad malaynayn iyo weliba kuwo dhibcaha barafka afka u dhiganaya belaayoba u barasho lehe bal nala daawo, adiguba waad odhan tan ina haysaa buste mooyee wax kale uma baahna malaa fadhigaa badan ee Qaadka ayaa inoo nugleeyey
Barafku cidna kama joojiyo shaqada iyo haday noqoto in dhalin yaradu ku ciyaaraan toona waxaa suurto gal ah in mararka qaar iskuulada la fasaxo waa hadiiba uu qiyaastiisu xad dhaaf noqoto oo markaa gawaadhidu mari kari waydo waxaa jira shaqaale ka tirsan dawlada hoose ee magaalo kasta oo nadiifiya iyagoo qalab lagu baneeyo wadooyinka oo waaaweyn wata si fiicana uga hawl gala oo maalin iyo habeenba leh heegan buuxana ku jira illaa jiilaalka oo dhan si aan shaqooyinka iyo wax soosaarka wadanku hoos uGu dhicin khatar dhaqaalena loo gelin dadna uGu dhiman dayacaad waana wax hore looga baaraan degay.
Waa orod la samaynaayo maalin baraf da’ayay iyadoo dadweyne fara badani daawanayay raggaa aan dhar xidhnayn ee qaawanida ku ordaayey qabawga barafka xun ee soo daatay, xayawaanka Dabagaalaha ayaa ka mid ah xayawaanada ka faa’iidaystay in aan loo joojin nolol maalmeedka in la raadsado xaalad kastoo timaada sida Bani’aadamkuba uGu joojin waayeen waadna aragtaan isagoo laamay la xaadhay ka qadhaabanaya ama qadhaabkiisa ku dul cunaya meel aan baraf fadhiyin
Waqtiga barafka ayaa ah mid xiiso gooniya wata dadku waa wada dedan yihiin qof walba koodh culus koofiyad ayuu xidhan yahay waxaa uu gacanta ku wataa shah ii isku kulaylinayo waxaa marka uu soo daato dadku ka qooraansadaan daaqadaha iyadoo aad moodo in cirkii ku soo dhacay dhulkii daruurihii oo dhulka imaaday waxaan loo joojin ciyaaraha loo yaqaan Football oo lays hirdiyo niman xoog waaweyna ciyaaraan ahna mid habaar qabta oo qof tag darani ka caagan yahay
Waxaan meesha ka madhnayn ciyaaraha kala duwan ee xeegada iyo kubada kolayga oo iyagun ah kuwo xiliga jiilaalka la xiyaaro iyoi waqti kasta oo ay ku soo beegmaan waxaadna halkaa ka garan kartaa hadii dadku tashado oo la shaqaysto in xaalad kasta oo jirta si sahlan uga gudbi karto waa hadii maskaxda la tuujiyo oo la yidhaahdo side u maaraynaa xaaladan taagan
Ciyaarahan ayaa ah kuwo aadka loo daawado dhalintuna ay jecel yihiin sidii ay uga mid noqon lahaayeen ama uGu dayan la haayeen ragga ciyaartoyda ah waayo ciyaarahu maskax iyo jidh ahaan waa u muhiim nolosha qofka bani’aadamka ah caafimaadkana waa u muhiim waxaan intaa ku soo gaabin doonaa ciyaaraha iyo barafka iyo in muhiimadu tahay in xaalad kastaa oo timaadaa kaa joojin Karin shaqadaada iyo nolol maalmeedkaaga
Oodweynenews
ENG ABDIRAZAK YASSIN MAXAMED