Oodweyne News - Latest Somali News Update

Guddoomiyaha Ururka Garyaqaanadda ee SOLLA oo ka hadlay Xeer Nidaamiye

Guddoomiyaha urrurka Garyaqaanadda ee SOLLA oo Sida Fiinta uga qayliyay Xeer ka soo baxay Madaxtooyadda oo minjo xaabinaya Dastuurka Dalka.

 

 

Guddoomiyuhu wuxuu arrinka kaga biyo diiday qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa uu ku leeyahay facebook. Isagoo tilmaamay in aanu madaxweynuhu lahayn awood xeereed oo ku beddelo xeer ka soo baxay gollaha sharci dajinta.

 

 

Maaha garyaqaankii koowaad ee ka biyo diida tallaabada khaldan ee madaxweyne Muuse Biixi qaaday oo u eeg mid minjo xaabinaysa Dastuurka dalka iyo xeerarkiisa. Isla markaasna meesha ka saaraysa awooda xeer dajineed ee Dastuurku siiyay waaxda xeer dejinta ee baarlamanka. Waxa hore uga qayliyey Mubaarik Aar iyo Guuleed Dafac oo labaduba ah garyaqaano ka tirsan bahda sharciga ku xeel dheer.

 

 

Waa kan hadalkii guddoomiye Maxamed Maxamuud Xaashi uu soo dhigay bartiisa Facebook.

 

 

Garyaqan Maxamed Maxamud Timo “Xeer parliament oo dhaqan gal ah xeer nidaamiye laguma badali karo madaxwaynuhunu ma laha awood xered marka laga reebo xaladaha degdega e dastuurku tilmaamay e ku xusan Qod 92 dasturka qaranka JSL”

 

 

Abdirahman Jama Egal

Freelance Journalist