Oodweyne News - Latest Somali News Update

Daawo Golaha Wakiilada Somaliland Oo Maanta Ansixiyey Golaha Wasiirrada Xukuumadda Muuse Biixi

Golaha Wakiilada Somaliland ayaa saaka fadhi ayey yeesheen ku ansixiyay qaar kamid ah golaha wasiirrada xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

 

Fadhiga golaha wakiilada oo ay saaka ka soo xaadireen 61 xildhibaan ayaa cod gacan taag ah loogu codeeyay wasiirada taas oo wasiir walba markiisa gacanta loogu taagayay inta ogol iyo inta diidanba.

 

 

Golaha wasiirada Somaliland ee saaka la ansixiyay ayaa ka koobnaa toban Wasiir iyo laba wasiir ku-xigeen oo kala ah sidan hoos ku qoran.

 

 

 

 

  1. Wasiirka Beeraha Axmed Muumin Seed
  2. Wasiirka Isgaadhsinta iyo Sayniska Dr. Cabdiwali Sheikh Cabdillahi Jibril
  3. Wasiirka Howlaha Guud Cabdirashid Xaaji Ducaale
  4. Wasiirka Arimaha Bulshada Hinda Jaamac
  5. Wasiirka Diinta & Awqaafta Sheikh Khalil Axmed
  6. Wasiirka Biyaha Saleeban Yusuf Cali Koore
  7. Wasiirka Caafimadka Dr. Xasan Ismacil Yusuf Warsame
  8. Wasiirka Xananada Xoolaha & Kaluumeysiga Xasan Gaafadhi
  9. Wasiirka Waxbarashada Yaasin Xaaji Maxmuud Xiir “Faratoon”
  10. Wasiir ku-xigeenka wasaaradaas, Maxamed Muuse Abees
  11. Wasiir ku-xigeenka xanaanada xoolaha iyo kaluumaysiga Yurub Abiib

 

 

Oodweynenews Newsroom