Oodweyne News - Latest Somali News Update

Sawir Cadaynaya Sida Dadkeena Damiirkii Mawaadinimo Uga Dhintay ,Waxaanu Khatar Ku Yahay Mushtamaca Dalkan Leh .

 Sawirkani Waxa Uu Cadaynayaa Sida Dadkeena Damiirkii Mawaadinimo Uga Dhintay ,Waxaanu Khatar Ku Yahay Mushtamaca Dalkan Leh .

Dadkii Wadankan Lahaa Waa kuwaa Ku Faraxsan Ee U sacabinaaya Labadaa Nin Ee Ajanabiga Ah Ee Naflaydaa Mawaadinada Ah inta Ay Godkeedii Ka Soo Saareen U Xoog-sheegtay Ee Hortooda Ku Dilaaya ,Waaney Ooyaysaa.

Mida Kale Fariinta Sawirkani dirayaa Wadaniyadeena Ayaa lagu Caayayaa ,waxaanu Gudbinayaa Xog sheegaysa sida aynu Mawaadinimada ka nahay ,waxaanu fududaynayaa Cidkasta oo Cadowgeena ah.

Miyay Garan-waayeen Waa Nimcooyinkii ilaahay Idin-siiyay Ee Noolaha ahaa ?.

Miyay Garan-waayeen Waa Naflay Dhulka idinla Leh Ee Cadowga Ka Celiya ?.

Miyay Garan-waayeen Ninka Ajanabiga Ah iyo Naflaydan Waxa Qaalisan Naflaydan ilayn iyadu Waa Mawaadinade.?

Geesta kale  Dadkii Waa kuwaa , Dawladuna waa ogayd sida Qoraal Sawirkan la Socday lagu sheegay  oo iyadaa Ruqsada siisay Nimankan Ajanabiga ah.

Hore-na Waan u sheegay imikana waan sheegayaa ,Waxaa iyo wax ka Sii-daran ayaa dalka ka socda ,laakiin inta aanu ka Dagaalami-karo ,walaahay ,waanu ka dagaalamaynaa ,Waxaananu leenahay Sharciga ha la horkeeno wixii waxan ku kacay iyo wixii u ogolaadayba ,Waayo arimahani waxay cadaynayaan sida Umadan Khayraadkeeda Mid Nool iyo Mid Kale-ba Cadowgu u Dabar-goynaayo Bad iyo Beriba.

Qalinkii Suxufi Mahad Faarax.

Gaadh-hayaha Duurjoogta.