Oodweyne News - Latest Somali News Update

Fariin Caafimaad: Goobaha iclaajyadu

Goobaha iclaajyadu goormay samaysmeen dadka iclaajyada haystaa ma haystaan aqoon takhasus oo ay ku daaweeyan bulshada bukta

Iclaajyadu waa goobo aan dalka hore uga jirin waqtiyadii ka horeeyey waqtigii dagaaladii burburkii dawladii somaaliyeed
Dalka waxa shaqaynaayey cisbitaalo iyo pharmasiyo xadidan oo ay ka shaqeeyan dad aqoonteeda caafimaad leh
Nidaamka dawliga ee lagula socdo baahiyadka aasasiga ee goobaha caafimaadka private iyo dawligu waxay ahaayeen mid u shaqeeya nidaamka sharci ee dawladeed daawooyinka dalka dibada uga yimaada waxay ku iman jireen nidaamkii sharci caafimaad ee dalab ku xidhaan xidhiidh laba dawladeed
Daawooyinku waxay ku sugnaayeen gacanta dawlada ma jirin dal aanay dawladu heshiis la lahayn oo si fudud ganacsade dawooyin uga keeno
Daawada dalka iman jirtay waxay ahayd daawo tayo leh oo lagu soo baadho dal soo galida dekeda iyo airport dalka
Waxa hada dhacay in dadkii ay ka luntay kalsoonidii caafimaad ee ay ka haysteen dhamaan adeegyada iyo siyaasada caafimaad ee dalka kadib markii caafimaadkoodi halis galay daryeel la aan daawo la an maamul xumo qalab laan \
Waxa jiri jiray oday traditional healer oo hilib daqla gooya iyo wadaad quraan ku akhriya bukaha loo geeyo
Jahawareerka iyo khal khalkaa ku yimid maamulkii siyaasaded ee caafimaadka dawligu waxa uu sababay in bukahii uu xal caafimaad ka raadiyo oday iclaaj furtay iyadoo aanay ahayn sharci u ogolaanaya in uu urursado dad caafimaad ka buka waxa samaysmay in dadkii maskaxda ka bukay markii cusbitaaladii dimbirka ee dawligu ay noqdeen qaar aan daryeeli karayn masuuliyada caafimaad ee bukaha maskaxda ka jiran waxay kala kulmeen goobaha iclaajyada bukahu hadidaad jidh dil ku xad gudub xuquuqdisa shaqsiyaad dhagaysi la an rayiga bukaha cadaadis cabudhin daawo la an qalab la an cunto xumo daryeel la an hadaba masuuliyada dhib kaas waxa uu qoorta u sudhan yahay dawlada dalka ka jirta
Dr buuxIbraahin Aadan
Fayo-dhawre madax bannaan
buux2010@gmail.com 063 4130821