Oodweyne News - Latest Somali News Update

Magacyadda Guddi Ay Wasiirro Ku Jiraan Oo Uu U Madaxweyne Muuse Biixi U Magacaabay Kasoo Talo-bixinta Sicir-bararka Dalka Ka Taagan

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu guddi u saaray qiimo dhaca ku yimid shilinka Somaliland, taasi oo xukuumaddii ka horaysay ay waxba ka qaban kari wayday.

Guddida uu madaxweynuhu u saaray wax ka qabashada qiimo dhaca shilinka Somaliland oo ka kooban shan wasiir iyo guddoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland ayaa kala ah;

1- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyada, Yuusuf Maxamed Cabdi,

2- Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wershedaha iyo Dalxiiska, Maxamuud Xasan Sacad

3- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga, Maxamed Axmed Maxamuud Cawad

4- Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda, Dr Cabdiweli Sh Cabdilaahi Suufi

5- Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga, Xasan Maxamed Cali iyo

6- Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland, Maxamed Cabdi Ibraahim (Dhoobaale)