Oodweyne News - Latest Somali News Update

AKHRISO Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Oo Xilalkii Ugu Badnaa Ku Taxay Beelaha Habar Jeclo Iyo Habar Awal

Madaxweyne Muuse Biixi oo mudadii uu xilka hayey sadex jeer sameeyey magacaabis kala duwan ayaa ilaa hada xukuumadiisa xilal uga magacaabay masuuliyiin gaadhaya 39.

 

 

Madaxweyne Muuse Biixi oo in badan ku celceliyey inaanay jirin beelo gaar u sheegan kara guushii uu ka gaadhay doorashadii madaxtooyada somaliland ayaa hadana waxa digreetooyinka magacaabista ah ee uu ilaa sameeyey si fiican looga dhex akhrisan karaa beelo qaarkood oo uu sadbursiimo dheeraad ah ka siinayo xukuumadiisa.
Muuse Biixi Cabdi ayaa ilaa hada digreetooyin gaadhaya 15 u magacaabay beelaha sida gaarka ah u sheegta inay ku midoobeen xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye ee loo yaqaan Jeegaanta , halka guud ahaan shacabka somaliland ee aan ku abtirsan beelahaasina ay heleen 24 digreeto, waxaana si fiican loo dhugan karaa dheeliga balaadhan ee ku jira xukuumada madaxweyne Muuse Biixi.

 

 

Halkan Ka Akhriso Digreetooyinka Magacaabista Ah Ee Ilaa Hada Madaxweyne Muuse Biixi Ku taxay Beelaha Habar Jeclo Iyo Habar Awal :–

1. Sacad Cali Shire Arimaha Dibada Iyo Iskaashiga Caalamiga

2. Maxamed Kaahin Arimaha Wasiirka Arimaha

3. Dr Cabdi Wali sheekh Cabdilaahi Wasiirka Boosaha

4. Hinda Jaamac Gaani Wasiirka Arimaha Bulshada

5. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Guri Barwaaqo Wasaarada Warfaafinta

6. Jamac Maxamuud Cigaal Wasiirka wasaarada Macdanta

7. Cabdilaahi Abokor Wasiirka Gadiidka Iyo Horumarinta Jidadka

8. Maxamuud Xaaji Cilmi Wasiirka Xidhiidhka Golahayasha

9. Maxamed Muuse Diiriye Wasiir ku xigeenka Arimaha Gudaha

10. Cabdnasir Kadin wasiir ku xigeenka caafimaadka

11. Cabdikariin Axmed Maxamed Faarax Gudoomiyaha hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaasha qaranka

12. Faysal Cali Sheekh Maxamed Cabdi Gudoomiyaha hay’adda u diyaar garawga aafooyinka iyo kaydka raashinka qaranka

13. Axmed Yuusuf Dirir Hanti Dhawraha Guud Ee qaranka

14. Dr Maxamed Cabdi Xergeeye agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka

15. Duuliye Sare, Cabdi Maxamed Rodol maareeyaha guud ee hay’adda duulista iyo madaarada dalka.

 

 

 

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa haatan looga fadhiyaa inuu hoos u eego xilalka uu magacaabayo, iyada oo uu jiro saami qaybsi xukuumadeed oo ay shacabka somaliland ku heshiiyeen inay ku wada lahaadaan jamhuuriyada somaliland.

 

muuse

Oodweynenews Newsroom