Oodweyne News - Latest Somali News Update

Codsi Baaq dheer oo Xisbiga Wadani u diro Xukuumadda Muuse Biixi.

Haddaannu nahay muwaadiniinta reer Somaliland ee dhiigga iyo dhuuxa u shubaayey Xisbiga Wadani ee qurba joogta ah waxaannu aad uga xunnahay xadhiga iyo jidh dilka lagula kacay Muwadiniita reer Somaliland ee xaafada Makka Al Mukarrama ee hore loo yaqaaney (Daami), kuwaasoo duullimaad is daba jooga xukuumaddu iyo taageerayaashoodu ku hayso oo laysugu daray jidh dill iyo xadhig, muwaadiniintaasoo lagaga soo duulo shaikh Madar, cabbaaye iyo boqol iyo ko tonka sababta lagu dilayaana ay tahay maxaad wadani u raacdeen.
Wadani waa xisbi qaran oo mucaarid shicibkana axsaabtu wey u simanyihiin.
waxaannu leenahay waa in dhallinyarada xidhan ee gardarrada lagu xidhay si dhakhso xorriyadoodii loogu soo celiyo.
Xisbiga Wadanina waxaannu leenahay taageerayaashaadii haddii kolba koox lagugu hor gawraco oo ka hadliweydaan meeshaad ku socoto garan meyno.
waxaannu si mug iyo miisaan leh uga codsanneyna Guddoomiyaha iyo Afhayeeka Xisbiga Wadani iney ka jawaab celiyaan falalkaa foosha xun ee lagula kacay taagerayaashiisa, Baaqa Boqorka Boqor Axmed Iimaan Warsame si dhakhso ah uga Jawaabaan celiyaan .
Wabillahi Al Tawfiiq
Cabdiraxman M. Cumar
Xoghayaha Laanta Riyadh Wadani