Oodweyne News - Latest Somali News Update

Kulmiye dib ma u dhisi karaa dalkii iyo dadkii uu burburiyay si uu talada dalka ugu waaro?

Qoraaladani muddoyin ayay gudhan ahaayeen qaabdarida iyo madhnaanta siyaasiga ayaa galoofaysay qalinkii iyo warqadii,wax lasii sadaalain karo oo taban maahane mid togan ayaan jirin.
wixii doorasho loogu yeedhayay dadka laguxero qaaday, wixii dad la sheegayay inay kursi u baratamayaan,xisbiyo kala magacyo duwan wixii calalkooda dhirta daaraha iyo gaadiidka lagujookhaba. Fuuqii ka soo baxay wuxu noqday Muuse Biixi Cabdi madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland ee la doortay/ boobka ku soo baxay tay doonto ha noqotee maanta baarqabka doobta ridayaa waa isaga ee qaranku dacaarsanayo.Beri hore hadii ad xasuusatid waxad maqli jirtay  madaxwaynaha aan weli la dhaarin, horta aniguwaan maqlay marar aan badnayn adiga war kuuma hayee, Muuse cidi dooranmayso ayaa dhagaheena aad ugu badnayd, waa dagaal ooge ,ASKARI, wadani ayaamarkan iska leh isbedel doonka ayaa guulaysanaya iyo wax la jira oo dhamaantood wada been aan waxba ka jirin ahayd.Shaxda la dheeley waxay ahayd mid runtu meel iska taalay waxan uga jeednaa MUUSE inuu la wareegayo madaxtooyada waxay ahayd mid la sii ogaa kuwa la baratamayay ayaa sii ogaa ee labada ahaa rumayso ama diid waa yeelkaa.Jeegaantu si ay u waarto weligeedna ay geerida uga gaashaamato waxay laylyatay laba awr oo ay jeegaantu hogaanka u hayaan mid gadhqaad fudud oo marka faruurxidhka loo raacsho suulasha kaa jaraya mudona  jeegaantu ay soo raranaysay oo  cagfudaydka ku darsaday hayyinnimo.Cayib ayuu ahaa gulaan ah awrka labaad ee ay jeegaantu dadka ka soo horjeeda madax uga dhigto. amakaag iyo yaab lagama sheekeeyaan ayay ku noqotay kuwii bidhaansanayay cayibkaa gulaanka ah maxaa yeeley may ogayn balanka jeegaantu la soo gashay iyo casharaday soo waraabisey.Waxaas oo huq iyo hadimo ah bulshadan ayaanka daran waxa baday xisbiga kulmiye oo isagu laba hogaan keliya u kala qaybiyay muxaafid iyo mucaarid u jeedo iyagaa labadaba ahaa. Muuse waxa loo tirinayaa inuu farsamooyinkaa guracan qaybta ugu wayn kulahaa si uu kurisigaa uu maanta hawaaro ugu fadhiisto ayuu u maray haydaarta inta leeg ee aanu dadka uu xukumi doono teelo u dhigan. midhadhka ugu la yaabka roon waxay yihiin odhaahaha madaxwaynaha la doortay/boobka ku soo baxay ee la dagaalanka musuqa , kala qaybsananta bulshada dhex jiifta,eexda, kala saraynta dadka dalka u dhashay, dhiigmiirashada tijaartu ay danyarta ku hayaan iyo gacanta wayn ee ay ku leeyihiin maamulka si ay u sii lacagaystaan dadkuna u sii saboolaan. waxka qabashada arimahaas aynu soo sheegnay waxay la midyihiin intaan ku dilo ayaan hadana ku noolayn doonaa taana awoodeeda Ilaahay ayuunbaa gooni u leh, Madaxwaynuhu  waxaad uu imaka leeyahay waxbaan ka qabanayaa isagaa falay si uu kursiga ugu fadhiisto suurtagalna maaha inuu wax ka qabto maxaa yeeley haduu dadka iyo dalka dan ka leeyahay mabuu faleen waxaas oo dhagar ah oo uu bulshada ka galay. Dhagartu maaha keliya dilka tooska ah ee qofka la aaso ee waxa jira dhagaro lama arkaan ah oo ka sii qaro wayn waxa ka mid ah
1- bulshada oo colaad iyo nacayb lagu dhex abuuro dabka ay kala qaadan waayaan weligoodna aanay is aaminin isku tiirsan isweheshan, 
2- muxaafid dadku dhamaantood inay wada noqdaan mooyaane uma banaana wado kale oo mucaarid xisbi loo taageero maxaa yeeley waxaynu marag ka nahay  labadii xisbi ee wadani iyo ucid inay ahaayeen kuwa aan kulmiye waxba ka duwanayn  oo suuragelinayay guusha kulmiye. 
3- tijaar dhiigya cab ah oo dalka toos u xukuma siyaasiga iyagu kursigadhigtay tooda mooyaane mid kale aan ka shaqayn karin, taas oo meesha ka saartay nolosha qofka danyarta ahi weligeed inay is bedesho, waa mid bariis soo dejiya ,mid telefoonkeena,mid dharkeena, mid shidaalkeena, mid jaadka keena, mid jaamacado keena, mid iskuulo keena.
 GEBGEBADII  muuse wuxu ka qabto dhagarahaa  waynu u jooogi  waa inoo qoraalada danbe 
 
 XUSEEN WARAABE TAFFE JONKOPING Sweden