Madaxweyne Yoweri Museveni Oo Bandow Kusoo Rogay Dalkiisa + Sababta Keentay

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa sabtidii sheegay in dowladdiisu ay hergelin doonto bandow xilliga habeenkii ah, kaas oo saameyn doonaan goobaha cibaadada, kuwa madadaalada, socotada iyo dadka kale ee ka baxaya laba degmo oo uu cudurka Eboa ka jiro.

Tallaabooyinkan looga dan leeyahay in lagu xakameeyo faafista cudurka Ebola ayaa si degdeg ah looga dhaqan gelin doonaa degmooyinka Mubende iyo Kassanda ee bartamaha Uganda, oo xudun u ah cudurka Ebola, sida uu Meveni ku sheegay khudbad uu dadka kula hadlayay oo laga sii daayay taleefishinka.

“Kuwani waa tallaabooyin ku meel gaar ah oo lagu xakameynayo fiditaanka Ebola. Waa in aan dhammaanteen la shaqeynaa maamulka si aan cudurkan ugu soo afjarno waqtiga ugu yar ee suurtogalka ah,” ayuu yiri Museveni.

Museveni ayaa sheegay in 19 qof ay dhinteen tan iyo markii dalkan ku yaal bariga Afrika uu ku dhawaaqay in uu cudurka Ebola ka dillaacday 20-kii Sebtember.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker