Soomaali ka badbaaday doontii ku dagtay xeebaha Giriiga oo ka warbixiyay qaabka ay doontu kula dagtay

Matoorka burburay iyo mowjado sare ayaa loo aaneynayaa in ay sabab u yihiin dhimashada ugu yaraan 18 tahriibayaal ah oo Soomaali ah oo ku sii jeeday Yurub oo ku safrayay xeebaha Giriiga usbuucii hore.

Mustafa Faarax, oo 20-jir ah kamid ahaa dadkii ka badbaaday doonta, ayaa sheegay in ilaa 50 muhaajiriin ah ay ku safrayeen  magaalada Izmir, ee ku taal xeebta Aegean ee Turkiga, fiidnimadii 5-tii Oktoobar, iyagoo ku sii jeeday dalka Giriigga.

“Dabaylo xooggan ayaa ku dhuftay badda Aegean, masiibada ayaa bilaabatay markii matoorka doonta uu shaqayn waayay. Muddo saacado ah ayaan badda dul sabeynaynay. Mowjadaha ayaa ahaa kuwo aad u sarreeya,” ayuu yidhi Faarax.

Qaar ka mid ah dadkii badbaaday iyo meydadka tahriibayaasha Soomaalida ah ayaa loo qaaday magaalada Mytilene ee caasimadda gobolka Lesbos.

Faarax waxa uu sheegay in hal wiil iyo 17 dumar ah ay ku dhinteen shilkaasi. Wuxuu sheegay in 30 qof oo kale oo ay ku jiraan 13 rag ah iyo 17 dumar ah ay ka badbaadeen.

Wakaaladda wararka ee AP ayaa sheegtay in ilaalada xeebaha jasiirada Lesbos ee bariga Giriiga ay sheegeen in meydadka 16 dumar ah oo dhallinyaro ah, iyo wiil la soo saaray kadib markii doon ay saarnaayeen ilaa 40 qof ay degtay.

Inta badan muhaajiriinta gaadha Giriiga waxay ka safraan Turkiga u dhow, laakiin mukhalasiintu waxay beddeleen waddooyinka, si ay uga fogaadaan biyaha aadka loo ilaaliyo ee agagaarka jasiiradaha Giriigga ee u dhow xeebta Turkiga.

Isagoo ka hadlayay golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay bishii hore, madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Giriigga ku eedeeyay in ay badda Aegean ka dhigtay qabuure.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker