Wararkii Ugu danbeeyey Xaaladda Dalka Itoobiya

Addis Ababa(OWN)- Taliyaha Ciidamada difaaca ee Itoobiya Gen Seare Mekonnen iyo madaxweynihi Gobolka amxaarada Ambachew Mekonnen ayaa ka mid ah madax iyo saraakiil ku dhimatay afgambi dhicisoobay oo ka dhan ah Ismaamulka Amxaarada ee dalka Itoobiya..

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa sheegay taliyaha ciidamada Difaaca iyo talihiisii ay dileen ilaaladoodii, sidoo kale Madaxweynihii gobolka Amxaarada iyo la taliyihiisii sare ayay sidoo kale askartu dileen.

 

Gobolka Amxaarada oo dhaca Waqooyiga Caasimada Itoobiya ayaa ah gobolka labaad ee ugu badan ee Wadanka.

Abiy Axmed isaga oo xiran dharka Ciidamada ayaa waxa uu sheegay in arrintaasi ay ka dambeeyaan waxa uu ku sheegay qaswadayaal iyo calooshood u shaqeystayaal.

 

“Waxa ka dhacay gobolka waa wax aan dastuuri aheyn, hadafka laga leeyahay waa in meesha laga saaraan nabadda” ayuu yidhi, raiisul wasaaraha.

 

Safaaradaha reer Galbeedka oo ay ku jirto Safaaradda Mareykanka ee Itoobiya, ayaa digniin u diray muwaadiniinteeda ku sugan Itoobiya, waxa ay ugu baaqday in ay muujiyaan taxadar dheeri ah.

 

Qowmiyada Amxaarada ayaa ah tan labaad ee ugu badan wadanka Itoobiya oo lagu qiyaaso dadka ku nool ilaa 100 Milyan oo qof.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker