Oodweyne News - Latest Somali News Update

Budhcad kooxeedka habeenkii wax baadha, hurdada booliska iyo baraarug la aanta bulshada.

Waxaa dhawaanaheerba magaalooyinka waawayn kusoo badanaya, dhalinyaro budhcad ah oo kooxo u wada socota afkana duuban oo habeenkii dadka jid gooyo u gala kuna baadha xaafaddaha taas oo aanay jirin cid looga ergoodo oo aan alle ahayn, ciidankii booliska ee arintan ku shaqa lahaa ee shacabku usoo dacwoon lahaa oo noqday kuwo hurdada dheeraystay, aanad moodo in xidhiidh shaqo ka dhexeeyo budhcadan qofkii dhibanaa ee dhac iyo dhaawacba qabay oo ay laaluush iyo lacag kusii dawakhaan aanad moodo inaanay isuba dhaamin iyaga iyo shuftadani.

 

 
bulshada oo guud ahaan aan wali ku baraarugin arintan halista ah oo aad moodo in qofka ay saamaysaana naf la baxsi uun noqday, waxaa layidhi mayd maxaa u danbeeyey iyo kaa la sii sido e xalay oo qudha ayay magaalada burco dhawar qof oo dhac iyo dhaawacba loo gaystay aan qaar kood la kulmay nin aadan layidhaahdo ayaa ii sheegay in xalay dhalinyaraadaa afka duuban ku heshay xaafada nafaqo ee magaalada burco kana qaadeen laba moobil iyo waliba lacag, dhaawacyo kala duwana u gaysteen markii uu saldhiga uga dacwooday isla mar ahaantaana u kaxaystay niman dhalinyaro ah oo sheegay inay garanyaan, waxaa lagu yidhi bari soo noqo waxan dhacday in dhalinyaradii maraga ahayd in ay ay subaxnimadiiba ka noqdaan markhaatigii iyadoo cabsi lagu beeray awgeed lana yidhi hadhow ku dayn maayaan oo waa koox hebel iyo koox hebel oo midoobay markaa badahooda kabax.
sidoo kale nin jaajuurle ah ayay isna fal kaa limda u gaysteen isla xalay xaafada nafoqo kaas oo saaka lay sheegay in lagu dhayayo nafaqo dhalinyaradan oo badiyabaa ka qadhaabsada xaafadahaas kuna xoogaystey ayaa aad u dhibaateeya kuna dhaca dadka halabsadana moobilada iyo wixii kale ee ay ka helaanba aaga jarmalka,kiiniyada,qasabka lafoolayda,af,gooye waxay noqdeen meelo looga caagay shuftadan ka kacday sidoo kale kooxo kale oo la ii sheegay in ay wiilasha kujira qaar kamida saraakiili dhashay ayaa iyana dadka ku baadha aaga ,xero gaasta,hawlaha guud,caqiibo,iyo qunyar dega.
waxaa kaloo jira in iyana xaafaddaha aktobar, hodan qaylo, iyo kuwo kale oo badan ay dhalinyaradani habeenkii dadka ku baadhaan, burco oo kali ah maaha ee waxa lawada ogyahay magaalada hargeysa oo iyana ay fara baas ku hayaan dhalinyaradani hawgusii darnaadaan xaafaddaha new hargaysa iyo badda cas, waxaynu garan karnaa xukunka qofka cawtal dariiqa ah iyo ka tuugadaba waxaana hubaal ah haddii waajibkooda la marin lahaa in dhalinyaradani falalkan joojin lahaayeen haddiise sidan lagu eegto in xaalku kasii xumaanayo uun haddii aan wax laga qaban. Waxaa kaloo mudan in aynu iswaydiino waxa kalifaya in dhalinyaradeena qaar kamid ahi falalkan ku kacaan .
W/Q Cabdiraxmaan Maxamed Cali Ubaxle
ubaxle@yahoo.com