Oodweyne News - Latest Somali News Update

Muuse Biixi oo Wasiiradii Siilaanyo soo urursaday ku andacooday Beelihii Garxajis ayaan la shiray

Heesbaa odhan jirtay, Dabay meeli buktaa , waa booli cunaha balamiya tuuga, bal inta Guriga Muuse

Biixi isugu tegtay ee lagu sheegayo beelaha Garxajis, waa intii u ololaynaysay, ee beenta  xaaraanta

& xaqdarada & Booliga la cunaysay, ee Shicibka Somaliland Bari & albeed ee isbedel doonka ahayd ku

sheegayey, waa S/Weyn, ee ma gayaan, ee In la boobo, la laayo, lagaga shubto codkooda raali kuwada

ahaa ee Jeegaanland & Muuse & Inakaahin beenta & Durbaanka la daba socday.

Odayada Koofiyad bacla ahaa & Wasiiradan Siilaanyo, kuwii Garxajis, Ciro, Wadani & Shacabkii isbedel

doonka ahaa xaqoodii aasay, dhiiga ugu fool dhaqay, xabad, xadhiga & hanjabaada & cayda & Aflagaadada

Muuse ku badhi taarayey weeyaan.

Wasiiradana goormay Nabadoon noqdeen, goormay Garxajis oo lagu S/Weyn ayaad tihiin, Xaqba uuma

lihidin inaad Kursiga Madaxweyne ku fadhiisataan oo Laba Reer ee H/Awal & H/Jeclo ayaa idin adoonsanaya

ay ahaayeen Garxajis, u hadla ama u doona xaqooda lagu duudsiyey, codkiina waa la boobayaa waa la

dhacayaa, ee ay maanta ku andacoonayaan Garxajis ayaanu nahasy oo Muuse ayaanu is calool

xaadhanay.

Gudin yahay imaad goyseen ee badhkayg ayaa kugu jira, Halka Cadaani, Cukuse, Warancade, Cawil

Farxaan & Noocaasi oo miidhan sheeganayaan Garxajis, kolkii horana Muuse & Jeegaanta u raxlahaa

ay Muuse hoolka uga soo buuxiyeen, Magaca Garxajis & Wadani & Somaliland midna kuma meteshaan

ee Dabadhilifyo, caada qaata ah, oo damiir lawayaa;l ah oo Muuse Dagaal Ooge wax kaga doonaya

oo dhiiga hacabkii codkooda Muuse laayey, boobay ku macaash doona ayaad tihiin.

Garxajis & Wadani & S/Land waa kuwaa Shirka eegaanland lagaga tashanayo ku baaqay, ee Shicibka &

Wadanka ka badbaadinayaa Muuse Dagaal Ooge, Duca diid imikana dhiigii Shacabka Kursiga loogu cumaa-

madayo.

Somaliland & Wadani & Garxajis, Jeegaanland, H/Awal & H/Jeclo  & Muuse Shaani oo loogu

cumaamaday dhiiga Shacabka, waxaad u tarsysaan, ama cid aad ku meteshaan Wasiirada Safka dheer

soo galay ee Siilaanyo 7 Kulmiye intii kabaha u siday Muuse, Fool xumo & Magac Xumo ayaad Naftiina

& Muuse duca diidba isku urursateen.

Wabilaahi Tawfiiq.

 

 

Asha Jama