Oodweyne News - Latest Somali News Update

SIDOO LOO SOO CELIN KARAA AMNIGA MAGAALADA MUQDISHO? Qore : Cabdiraxman Yacqub Xasan

Yaa masuul ka dhigay
Ninka shilinka dhaafsaday
Maati dhimasho lagu habay
Dadku maanay Dhaadayn
Dadku maanay Dhuganayn
Dadku maanay Dhiiliyo
Dab dhexdooda laga shido
Ka ilbaxayn Dhibaatada ?
“ Abwaan Laab Saalax “

 

 

 
Hordhac
27 kii sanno ee u danbeeyay waxay shacabka soomaaliyeed la soo daalaa dhacayeen dhibaatooyin nololeed oo ay sabab u ahayd burburkii dawladii kacaanka . Shacabka soomaaliyeed waxay soo mareen xaalado amni karo , siyaasad xumo iyo dhaqaale xumo .
Iyagoo xukuumadihii u kala danbeeyay maamulida gayga somaliya ayna samayn waxqabad muuqda oo dhanka amniga , Sidoo kale waxaa dalka ka abuurmay kooxo diineedyo hubaysan kuwaas waxyeelo balaadhan u gaystay shacabka soomaaliyeed , waxayna cabad ku noqdeen hana-qaadada xukuumadihii kala danbeeyay ee soo maray somaliya , kuwaas oo somaliya ka fuliyay dilal qorsheysan iyo qaraxyo lagu beegsanayo xarumaha dawlada iyo meelaha sixmada ah ee dadku ku kulmaan .

 

 

Istaraatajigada Amniga
Anigoo ku salaynaya xaalada amni daro ee haysata caasimada muqdisho iyo farsamo xumo ee dhanka xukuumada iyo hay,addaha amni .
Istaraatajigadani waxay ka shidaal qaadanaysaa awooda, Xirfada iyo aqoonta taala hay,addaha amniga somaliya . waxayna ka koobnaan doontaa 4 Qodob oo kala ah
⦁ Dib u habaynta Hay,addaha Amniga
⦁ Maamul daadajinta Laamaha Amniga
⦁ Hormarinta xidhiidhka ka dhaxeeya Hay,addaha amniga iyo shacabka
Dib u habaynta Hay,addaha Amniga
Tirinta iyo tayaynta hawl wadeenada Laamaha amniga ayaa ah isbadalka dhabta ah ee keeni kara hanaan amni oo laysku lahayn karo. Dhamaan hubinta hawl wadeenada Booliska iyo Nabad Sugida aqoontooda iyo xirfadooda.
Hirgalinta booliska caasimada muqdisho “MUQDISHO CITY POLICE “oo noqonaya booliska ka hawl galaya caasimada magaalada muqdisho .
Maamul Daadajinta Laamaha Amniga
Si loo sugo isla xisaabtanka dhanka amniga waxaa fure u noqonaysa xadeynta xilalka iyo waajibaadka saaran taliyaasha laamanaha amniga ee heer degmo ,
Maamul daadajinta laamaha amnigu waa mida loo baahan yahay marka loo eego baaxada iyo dhismaha magaalada muqdisho .
Hormarinta Xidhiidhka ka dhaxeeya Hay,addaha Amniga iyo shacabka
Si loo helo xidhiidh caafimaad qaba oo dhex mara laamaha amniga iyo shacabka soomaaliyeed ayaa laga maarmaan ah, si loo sii xoojiyo loona sii hormariyo xidhiidhka ayaa waxaa laga rabaa laamaha amniga inay sameeyaan barnaamijyo iyo xaflado si wadar ah loo qabto kaas oo laga soo qayb galiyo dhamaan qaybaha bulshadu ka kooban tahay iyadoo lagu lafo gurayo arimaha saamaynta ku leh xidhiidhka laamaha amniga iyo shacabka.

 

 

DHAMAAD
Contact
Name : Abdirahman Jacob Hassam
Title : Security Manager
Tell : +252-63-4807177
E-mail: jacobhassam@gmail.com
Facebook : Derri Hassam