Oodweyne News - Latest Somali News Update

Hambalyo iyo Bogaadin: Suldaanka Beelweynta Gabooye

Alsalaamu Calaykum waraxmatulaahi wabarakaatu

Anigoo ku hadlaaya afkayga iyo afka isbeddel doonka Xisbiga Wadani waxaan si mug iyo miisaan leh Hambalyo iyo Bogaadin ugu gudbinayaa Suldaanka Beelweynta Gabooye oo ku gacan saydhay lakullanka Madaxweynaha is magacaabay een haba yaraatee waxba aan xeerin ee Muuse Biixi Cabdi.
waxaan leeyahay waxaad qaadatay go’aan geesnimo ku dheehantahay wanannu ku hambalyeyneynaa, waxaan kusoo gunaanadayaa Suldaan mab’a adag oo hormood u ah Salaadiinta beelaha isbeddel doonka Xisbiga Waddani. waxaan ku leyahay Guuleyso suldaan. Ilaahayna haku barakeeyo.
Wabillashi Al Tawfiiq
Cabdiraxman M. Cumar
Xoghayaha isbeddeldoonka Wadani KSA