Oodweyne News - Latest Somali News Update

Madaxweyne Donald Trump Oo U Aqoonsaday Magaalada Barakeysan Ee Qudus Inay Noqoto Caasimada Israa’iil (Yuhuuda)

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa isagoo ka hadlayey aqalka cad wuxuu si rasmi ah u aqoonsaday in magaalada muranku ka taagan yahay ee Qudus ay tahay caasimadda Israa’iil, go’aankaas oo ah mid meesha ka saaraya siyaasaddii uu Maraykanku ku socday tobanaan sano.

 

 

Wuxuu kaloo ku dhawaaqay in safaaradda Maraykanka laga rari doono magaalada Tel Aviv oo loo rari doono Qudus.

 

 

Wuxuu sheegay Mr Trump in go’aankaas aan loola jeedin in Maraykanku uu faraha ka qaaday sidii ay uga go’nayd in nabad waarta laga gaaro bariga dhexe.

 

 

 

Falastiiniyiinta ku nool koofurta marinka Qasa oo hadalkaas aad uga caraysan ayaa gubay sawirka Mr Trump, kan ra’iisul wasaaraha Israa’iil iyo calanka Yuhuudda.