Oodweyne News - Latest Somali News Update

Qabyaaladii iyo xeeladii Raage Ugaas ” aabaha maansada soomaaliyeed” loogu caleemo daaray.

Hadaan intaas kaga baxo aqoon darada Yuusuf Shaacir ka haysata suugaanyahanadii qarnigii 19aad ( 1800dii), aanu uga gudbo si guud-mar ah sidii taariikhdii suugaanta qarnigaas loo afduubay ee lagu caleemo saaray nin la odhan jiray Raage Ugaas.
Cabdilahi Xaji  wariye BBC da, ayaa mar isagoo waraysanaya nin ku caan baxay jacburka ee la odhan jiray Dhoodaan ayaa waraysigiisa wuxu ku bilaabay suaal ahayd :
Cabdilaahi Xaaji :Raage Ugaas saw ma ahayn ninkii gabay soomaali bilaabay?
Markii u jawaab maya ah ku celiyay  Dhoodaan oo malaa markii hore u filayay inu ku raaco arintaas ayuu wuxu ku xigsiiyay weedhan:
Cabdilaahi Xaaji : Laakiin Raage gabayaa ka horeeyay lama hayo.
Badhtamihii 1980dii taariikhda suugaantu bartaas ayay maraysay in al yidhaahdo ninka Raage Ugaas ayaaba gabayga Soomaali gebi-ahaanba ugu horeeyay oo bilaabayba. Waa mudo dhowr iyo toban sanadood ah 1972-1987 ayay nimankaas isku beesha ah buunbuunintii Raage Ugaas gaadhsiiyeen heerkaas. Raage Ugaas iyo rag isku wada beel ah oo gabayaa ( Ina Cabdulle Xasan , Ismaaciil Mire, Ali Dhuux , Qamaan Bulxan) ama madax dhaqameed ahaa sida Wiilwaal ayaa aad magacooda kor loogu qaaday wakhtigii dawladii Afweyne dalka maamulaysay ayadoo la adeegsanayo , awooda dawlada , war baahinta mid qoraal ( Xidigta Octobar iyo Ogaal)  iyo mid codba ( Radio Muqdisho iyo cajalado gabayo ahaa ) iyo manhajka iskuulada oo hoos iman jiray “akaadimyadaa” wixii loo bixiyay , ta tacaliinta sare , iyo ta fanka iyo suugaanta iyo madbacada qaranka , intaas oo jagood oo beesha Daaroodku wada maamuli jireen waxay u adeegsadeen kor u qaadida taariikhda beeshooda iyo cidhidbtirka taariikhda beelaa kale ee Soomaaliyeed.
War Somali Sidihi , jaraaid la odhan jiray oo mudo 5 sanadood ah ka soo bixi jiray Somaliland British Protecorate 1950s . Ayaa war ka sokow waxa dadka loogu war galin jiray barnaamijka tobaad ka ah ee Radio Hargaysa ka soo bixi doona . Sedex barnaamij ayaa waxay kala ahaayeen:
1- Muxaadarata suaalaa diinta
2- Gabayaagii hore ee soomaaliyeed. U daadihin jiray barnaamijka Xuseen Usteerliya.
3- Taariikhdii  Sharmaarke Cali Saalax.
labaatan sanadood ka dib 1978kii , Gabayaagii hore ee soomaaliyeed na wada Daarood bay noqdeen  oo Raage Ugaas calanka ub sido, taariikhdii Sharmaarke Cali Saalax ee somaliland laga yaqaanayna waxa badalay Wiilwaal oo buugiisa dawladii Afweyne daabicaadiisa kharashgaraysay oo madbacada qaranka ka soo baxay . Siday wax isu badleen? inqilaabkan taariikheed ma si badheedh ah ayuu u dhacy mise aqoon daraa keentay? . Dadka reer somaliland arimahan waxad moodaa inay ka awood culusyiin , oo had iyo jeer waxay halgankooda sal dhig uga dhigaan arimu siyaasad oo u badan awood qaybsigii dalka oo Isaaq banaanka laga mariyay , waa ta labaade curyaamin dhaqaale iyo dhaxal wareejin dhuleed iyo dagaal colaad hore ah oo ay beeshaasi ayagoo maamulka dawlada ku aar goosanaya. Laakiin arimahaas oo dhan wax yar baa og in ka hor taas markii hore ba lagaga guulaystay Isaaqa in dhaxal wareegin taariikheed lagaga bilaabay colaada. Waa taariikh ama dagaal lagu soo koobi karo eryadii dhagaheena ka batay ee u Aw Jaamac meel kaste ku baahiyay ee ahayd ” Gaalo iyo Cawaankood iyo Sayid Maxamed Cabdulle Xasan iyo halgankiisii “.
Hadaan labada suaalood jawaabtooda bilaabo , dhaxal wareejinta taariikheed waxay ahayd arin badheedh ah oo tab iyo xeelad loo adeegsaday , oo qaar u dhashay beeshaa lafteeda la adeegsanayay oo hor-boodayay in Isaaqa taariikhdooda lagu ladho Isticmaar gaar ahaan Ingiriis , halka ta Daaroodna la sudho gobonimo doon iyo halgan , ta suugaameed na in si toos ah wax gabayaa ah oo Isaaq ah in si dadban ba taariikhdooda lagu badalo Raage Ugaas ina Cabdulle Xasan, Cali Dhuux , Qamaan Bulxan , Ismaaciil Mire . Intaas waxa lagu quruxin jiray weedh ah ” iyo Salaan Carrabay”. Taariikhdii Isticmaarka ka horaysanay oo u badnayd taariikhd saldanadeed iyo mid maahmaahyo ah iyo sheekooyin somalaidii hore  , taasna waxa lagu badalay saldanad Majeerteen , mid Warsangali iyo Wiilwaal.  Dadka dalka Somaliland u badana wax laga dhigay dad aan lahayn ba saldanad iyo taariikh iyo suugaanba. Duqa Idaajaa oo isagu qarsanba wuxu maamuladii somalida waayadii Isticmaarka u qaybiyay , wax hoos iman jiray Talyaani iyo Ingiriis iyo Daarood oo ka madaxa banaanaa labadaas oo ama saldanad Majeerteen , mid Warsangali ama mid Daraawiish ( Dhullbahnate , Ogaadeen , Mareexaan) hoos iman jirtay.
Buunbuuninta iyo xayaysiiska qabyalaadaysan ee Raage Ugaas ee suugaanta qoran waxa ugu horeeyay nin la odhan Shire jaamac Axmed oo Mareexaan ahaa . Oo hada si aqoon daro ah iyo qabyaalad ah loogu meel mariyay inu yahayba ” aabihii far soomaaliga”. Sanadgooradii 40aad ee farta af soomaaliga 2012 madal kaste oo laysugu yimaado waxa ka muuqday ninka Idaajaa oo qaraabo ay yihiin oo ku nuuxnuuxsanayay in Shire Jaamac fartan aynu maanta af somaliga aynu ku qorno uu ninkaasi udubka u aslay. 1965kii ayadoo weli lagu heshiin habka af soomaaliga loogu qori lahaa farta Latin ka ayuu ninka Shire Jaamac buug qoray sumadiisa u ka dhigay: Gabayo , maahmaah iyo sheekooyin yaryar by Shire Jaamac Axmed. Buugaas bogiisa 31-32 wuxu ku soo darayaa Raage Ugaas iyo Ina Jadeer gabay dhex maray isagoo markaas ka dhigaya Raage Ugaas nin aan loo gali karin.  Wuxu sheekada ka bilaabayaa ” Raage Ugaas ayaa wiil la yidhaahdo Ina Jadeer oo Habar Yoonis ahaa…”  Ka dib ayuu odhanayaa waxa soo gabayay ina Jadeer isagoo markaas xodxodanaya gabadh u doonanayd Raage Ugaas isagoo gabadhii ( isagoo u baanaya) gabay goodi ah Raage u tirinayo. Wuxu Raage amaan kula dul dhacaba aakhirka wuxu sheekada ku soo xidhayaa marku jawaabta Raage tiriyo ” mar danbe uguma noqon ina Jadeer Raage hadal”.
( http://dspace-roma3.caspur.it/bitstream/2307/5816/1/Gabayo%2c%20maahmaah%20iyo%20sheekooyin%20yaryar_Shire%20Jaamac%20Achmed.pdf  . akhriso pg.31-32)
Raage Ugaas wuxu dhashay qiyaas 1840dii wuxuna dagaal lagu dilay 1884kii ama 1885kii isagoo dhowr iyo 40 jir ah. Raage Ugaas ragay maanso-wadaag ahayeen sida Muxumed Liibaan Jadeer ( 1820dii-1888kii) iyo Aadan Axmed Dubbe “Gabay-Xoog” ( 1820s-1911),  iyo Xirsi Boqon ( 1850dii-1900) sedxdaas nin labada hore ba d’a ahaan Raage Ugaas waa ka d’a weynaayeen.  Ninkay wax aan sidaas u badnayn kala weynaayeen ee nimanka Daarood sheegaan silsiladiisa waa Xirsi Boqon. Malaa dhankooda silsiladii kale ee ragaa ka culus Raage Ugaas is waydaarsadeen aad umay danayn , Raage Ugaas waxa la odhan karaa waa nin kaligii isla baratamayay siday u dhigaan qolyahaasi oo 1 gabay oo loo soo tiriyay ma sheegaan se kuwu isagu ku jawaabay had iyo jeer waa tiriyaan waanay buunbuuniyaan , hadaan si kale u dhigo , Raage Ugaas wuxu ahaa nin had iyo jeer ka jawaaba suaal gabay oo cidii waydiisayba la sheegin iyo waxay waydiiyeen!!! sidaasna u ku mutaystay “boqorka sugaanta soomaaliyeed”  waa ayagu siday u dhigayaane. Caqliga bad qabaa wuxu is waydiinayaa , gabayadii Raage loo tiriyay ee u ka jawaabayo ee dawladii Afweyne meel kaste ku baahisay meeye?? Mise “boqornimada suugaanta iyo taajka reer hebelaysan ee la saaray baa qiiroqiiro galaya hadii suugaanta labada dhinacba la soo ban dhigo?
Xirsi Boqon oo ahaa Habar Yoonis  ( Reer Caynaashe) iyo Ina Jadeer oo ahaa Sacad Muuse ( reer Samatar) oo Raage Ugaas ka sokow labaduudu silsilad gaar ah u dhaxaysay iyo kaftan ayaa ayagoo Raage Ugaas buunbuuninaya isku qaldaan silsilada suugaameed ee Jadeer iyo Boqon u dhaxaysay ( ninkay qabyaaladu oofaysay ee Idaajaa waxaabu yidhaahdaa wiil yar oo la odhan jiray Xirsi Amaan, waxa iskaga qaldanba Xirsi Amaan (1825-1879) oo suldaan iyo gabayaa iyo abaanduule ahaa iyo Xirsi Boqon oo ahaa gabayaa, waana ninkay kooxdaas jaalayaashu aqoon suugaameed ku tuhmaanba ) inay soo galiyaan Raage Ugaas oo silsildaaas shaqo isagu ku lahayn. Xirsi Boqon iyo Raage Ugaas dhowr gabay iyo halxidhaale u xidhay Raage Ugaas oo shax ah marku furay Xirsi Boqon , Xirsi ayaa markaas u gudbaya Jadeer oo hore gabayada ku lagday ninka la yidhaahdo Raage Ugaas. Ninka gabay halxidhaale ku xidha, sarbeeb-na huwiya   iyo ninka fura , ninka fura ayuu gabaygu raacay. Taasna shaki kama jiro ninkay libtaasi raacday, nina labaa isu raacday inu gabay ku horeeyo , weliba hal-xidhaaleeyo iyo nina inu furo oo isla xarafkii laftiisana ka higaadiyo maansada. ( halxidhaalaa labada gabay ah Saciid Samatar ayaa 1977kii dubtay sheeko Xariir oo ilaa u dhimanayay aanu somalida la wadaagin).
Ardaydaan ka tagay buu ahaa Alif bilowgiiye
Al Baqaraba ma gaadhin haduu baran Idaajaaye
Halku ina Jadeer ka onkadaa awrta loo rarane.
Aynu ardaa wada oodanee waa inoo idhinkaaga.
Tuducaas danbe ayay Daaroodku ka dhigaan inu Xirsi gabadh oodhanka Raage ah hindisiyaynyey , waana iska malaa awaal ayagaa oo ujeedadoodu buunbuuninta Raage Ugaas ahayd taas awgeed ayay sheekada dhankaas u dhigeen , ee Xirsi Boqon marku gabaydan u tirinayay Burco iyo inta u dhaxaysa banka Tuuyo ayuu fadhiyay Fiiq iyo dhul Ogaadeen ba iyo gabadh ay isku qabsdadaanba ninkaas Raage Ugaas isuma dhawaynba. Waaye danbe se ninkay maansada isugu hadheen ee ina Jadeer safar Berbera ahaa bay isku haleen halkaasna gabayo gole ka fuul ah isu tiriyey. ( gabayadii Xirsi Boqon ee Raage Ugaas ku kalifay dhowerka jawaabood wax yar baa hada ka sii nool , gabayadii Ina Jadeer haday noqoto dhanka Xirsi ama dhanka Raage ba waxa laygu yidhi waxa cajalado ku haya ninka Boobe Yuusuf Ducaale). Sideedaba waxa hubaal ah intay Xirsi Boqon iyo Jadeer , iyo Gabay-Xoog iyo Xasan Dalab isu tiriyeen silsilado laba jibaar ka badan intu ninba u tiriyay Raage Ugaas kay jaalayaasho ku suufiyoobeen.
Xaaji Muuse Galaal waxa maqalkiisa ( oon ka wado qoraal) inoogu horaysay qoraagii Canadian ka ahayd ee Margaret Laurence oo 1954kii ay Somaliland in badan ku aragtay isaga iyo Anderwisky oo soomaalidu u bixisay Goosh.  Muuse Galaal wakhtigaas gabayada iyo suugaanta nin xiiseeya oo u dhashay ayuu ahaa , Aw Jaamac Cumar Ciise isaguna wakhtigaas ayuu bilaabay inu suugaanta iyo taariikhda somali ururiyo. Muuse Galaal wuxu qoritaan ku bilaabay buug u bixiyay Xikmad Soomaali 1956. Haduu ninba meel ka bilaabay aakhrikii labadoodu waxay isugu yimaadeen taariikhdii Daraawiishta. Hasayeeshee Aw Jaamac Cumar Ciise warkiisu waa cadaa oo wuxu ahaa nin u badheedhay ururin taariikh u markaas isagu ka dhigayo mid u reerkiisu iska leeyay. Halka Muuse Galaal ahaa nin iska muxubooday oo balaayo jeclaysiisay wax la yidhaahdo Daraawiish… la soco qaybta 3xaad.

 

Rashiid Jaamac

kayse78@hotmail.com