Oodweyne News - Latest Somali News Update

Qardoofooyinka ku gadaamin Maamulka uu Muuse Biixi soo wado.

Qardoofooyinka Ku Gadaaman dawladduu Muuse soo Wado.

 

In mudda ahba waxa Dadweynaha Somaliland Mucaarid iyo Maxaafid sugayeen Dawladda uu Muuse Soo wado qaabkey noqon doonto, ma waxay nuqondoontaa oo uu raaci doonaa Adeerkii/jaalahiisii xilka kula dulkufay mar hore iyo mar dambaba? Mise Dawlad Tayo leh oo tiro yar ayuu magacaabi doonaa?.
Mucaaridka oo ka biyo diiday arrinkan dadka qaar leeyihiin muuse waxa uu soo wadaa Dawlad tiro yar oo tayo leh, iyagoo raacaya maahmaahdii somaliga ahayd ee odhan jirtey ” Hal Xaaraan Ahi Nirig Xalaala Ma dhasho” taasooy ay u arkayaan asal ahaan inaanu muuse kusoo bixin doorasho xalaal ah ee uu khiyaamo iyo Garsoorkii u xaqsoori lahaa xisbiyadii tartamayey aan ka cadaalad falin, iyo isagoo adeegsaday ciidankii,gaadiidkii iyo dhaqaalihi Ummaada iyo weliba gacmo shisheeye oo taageero dhaqaale kula dul kufay, waxay somalidu tidhaa ” laba xaq darro ku heshiisay xaqey ku collowdaa, Ganacsade Maxamed Aw siciid oo hormood ka ahaa ololihii doorashada kasoo u adeegayey gacan shisheeye oo dalka dan gaara kale, muusana u arkay inuu yahay nin lagu guurikaro, iyagoo baalmaray xaqiiqda ah inuu muuse halgan dheer u soo galay jagadan Madaxweynaha Somaliland oo wakhti badan u huray dhiig badan u gallay, oo dhulka ku joogo Xinjir Cas oo dhiiga ciyaarna aanu ugu dheeldheeleyn, taasoo kuu caddeyneysa in maanta lasheegayo isku dhac laxaadle oo dhexmaray Ganacsade Maxamed Aw Siciid iyo Corneyl Muuse Biixi, waxannu leenahay amma dhacday amma dhici doontaa, Waayo .Mujaahidku nin lagu guuri karo maaha, nin loo adeegsankaro arrin dhul ku saabsan maaha Muuse Biixi waa Mujaahidkii ugu horreyey een illa halgankii aan dhulka ka bixin dadka iyo dalkuna wey u hayaan,.
Hadduu taa ka dhabeeyo Ummadda reer Somaliland sida ay u dhantahay qabrigiisa ayey siyaaran doontaa. Mujaahidiintii dalka xoreyey ee uu hormoodka ka yahay Mujaahid Cabdiraxman Axmed Cali, Aabihii Ummadda, Mujahid Cabdulqadir Kosar, Mujahid Adan Shiine, Mujahid Maxamed Xashi Lixle, Mujahid Maxamed Cali Farax, mujahid Adan Saleebasn iyo Mujahid Maxamed Xassan Adan (Gacmadheere) iyo mujaahidiintii kale eenan xaggan ku xussin illahay dhammantood Janbatul fardous al aclaa haka waraabiyee, Luxudkey lasoo kicidoonaan hadduu kaga dhabeeyo arrimahan soo baxbaxayaa, arrinka dhulkana gawsdambeedka ku qabto, lexejeclo awgeed.
ilaahay dawga san ha garansiiyo Uulul amarkeenna iyo dhammaanteenba.

 

 

Wabillaahi Al tawfiiq
Cabdiraxman M. Cumar

omarabdulrahman651@gmail.com