Oodweyne News - Latest Somali News Update

DAWLADDA IMAARAADKA OO DAMACSAN INAY XOOG JSL GUUMAYSATO IYADA OO GUUMAYSADKAAS KA BILAABAYSA BERBERA (SIDII INGRIISKU YEELAY0 DABADEEDNA GOBOLADA AY KU FAAFSISO CIIDAMMADEEDA OO AY KU MIDAYNAYSO SOOMAALIYA IYO JSL.

WAXA LA YAAB LEH INUU AQOON-XUME SIILAANYO UU QARANNIMADII JSL GELYO HALIS KA MA DAMBYN AH ISSAGA OO TODDOBADII SANO UU MADAX KA AHAA DALKAN UU SI WALBA U WIIQAY QARANNIMADII IYO CIIDANNADII QARANKA EE JSL. TUSAALE AHAAN SIILAANYO WAXA UU JOOJIYEY IN CIIDAMMADA QARANKU AY U DABBAALDEGAAN XUSKII 18-KII MAY EE XORAYNTA DALKA IYO QARANNIMADA JSL. TUSAALE KALE WAXA UU SIILAANYO LA GALAY SOOMAALIYAA WADAHADALLO AY SOOMAALIYAA KULA SOO NOQOTAY MAAMULKA HAWADA EE JSL. TUSAALE SADDEXAAD WAXA UU SIILAANYO SANNADKII 2010-KII XUBNO KASOCDA BAARLAMAANKA MIDAWGA REER-YEYB INAY JOOJIYAAN U OLOLAYNTA QADIYADDA ICTIRAAF RAADINTA AH EE AY UMMADDEENNU U HARRAADAN TAHAY.
QARAN-DUMINTA UGU DAMBAYSEY EE SIILAANYO ULA BADHEEDHAY DALKEENNA IYO DADKEENNA WAA TAN UU GOBOLKII BERBERA KAGA IIBSADEY DAWLADDA IMAARAADKA CARABTA OO UU U BANNEEYEY INAY DEKADDII KELI AHAYD IYO DHAMMAAN BADDII IYO XEEBTII JSL UU KA SIISTAY SHILIMAAD BERRITOBA UU EEDI DOONO.
REER-SOOMAALILANNDOOW XASUUSTA QORMADAYDAN. IMAARAADKU WAXA AY WATTAAN AJENDA IYO QORSHO QARSOODI AHOO LA MID AH QORSHII UU INGRIISKU
TIXRAACAY MARKII UU BERBERA HESHIIS KULA GALAY CAADAQAATAYAAL KA RUMAYSTAY INUU HORE UMARIN DOONO DEKEDDA BERBERA. MARKII INGRIIS KAASI UU BERBERA ISKU HUBSADAYNA WAXA UU BERBERA KA DIRAY WADAAD WAALAN OO LA ODHAN JIREY INA CABDALLA XASAN OO WAAGAAS QAXOOTI-NIMO KU JOOGEY BERBERA ISSAGA OO KASOO QAXAY JIGJIGA, WAXANA UU AHAA OGAADEEN CAGDHEER AH.
INGRIISKU WAXA UU WADAADKAAS KULA HESHIIYEY INUU BURCO IYO INTA KASHISHAYSA COLAADO KA OOGO, SI UU INGRIISKU DABADEEDNA UGU FAAFO GOBOLLADA INTOODA KALE ISSAGA OO INGRIISKU ISKADHIGAY COL U HIILNAHAYA DADKII UU INA CABDALLA XASAN OO BALANKA INGRIISKA KADHEXEEYEY UU AHAA INUU GOBOLLADA OO DHAN SOO QASO DAGAALLO KASOO HOLCIYO. SIDAASI WAXAY INGRIISKA U FUDAYDISAY INAY GOBOL WALBA KU FAAFAAN OO QABSADAAN.
IMAARAADKU WAXA AY WATAAN QORSHO KAAS INGRIISKA LAMID AHOO AY DAMACSAN YIHIIN INAY DAGAALLA SOKEEYE KA BILAABAAN DALKA JSL DABADEEDNA WAXA AY LASOO BIXI DOONAAN QORSHO AY KU SHEEGI DOONAAN MIDAYNTA SOMAALIYA IYO SL. SIILAANYO WAXA UU DALKII IYO DADKII U GACAN GESHEY ISTICMAAR CUSUB.
IMAARAADKU MA AQOONSANA JIRITAANKA JSL. IMAARAADKA WAXA MADAXWEYNE KA AH MAXAMMAD BIN ZAAYED OO AHAA NINKII SIYAAD BARRE USOO KIREEYEY DIYAARADI HII LAGU GARAACAY HARGEYSA IYO BURCO. MAXAMAD BIN ZAYED WAXA UU WAAGAAS IMAN JIREY HARGEYSA IYO MUQDISHO ISSAGA OO DIYAARADO KU KEENI JIREY HUBKII LAGU XASUUQAY LAGUNA BOQOLLAAL KUN OO DADKEENA AH.
MAXAMMAD BIN ZAYED WAXA UU OGSOON YAHAY IN SIILAANYO DHUUNIRAACE CAADAQAATE AH YAHAY OO SHILIMAAD DHAAFSAN DOONA QARANNIMADA DALKA JSL.
WAR WAA  AAN IDIIN DHAMMEEYEY EE DIGTOONAADA REER-SOOMAALILANDOOW OO ISKA ERYA ISTICMAARKA IMAARAADKA LANA SOO NOQDA DEKEDDA BERBERA INTA AY GOORI GOORTAHAY.
SALEH ALI.
37salehali@gmail.com