Oodweyne News - Latest Somali News Update

Sidee Madaxweynaha La Doortay Uu Xal Ugu Heli Karaa Sixir Bararka Dalka Aafeeyey?

Bulshada Somaliland waxay maanta u dhegtaagayaan sida uu wax uga qaban doono sixir bararka dalka la daadegey madaxweynaha la doortay Mudane, Muuse Bixii Cabdi, oo ku soo baxay doorashadii dalka ka dhacday bishii la soo dhaafay. Dhibaatooyinka horyaalla madaxweynaha cusub waxaa ka mid ah sixir bararka, kaasoo ay ku fashilantay in ay wax ka qabato xukuumada waqtigeedu sii dhammaanayo ee madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud {Silaanyo}, iyada oo dhowr jeer soo bandhigtay qorshayaal ay wax kaga qabanayso, balse waxay noqdeen hal bacaad lagu lisay.

 

 

Waa Maxay Sixir Barar? Sixir bararku waxaa uu ka mid yahay dhibaatooyinka ugu waaweyn ee soo wajaha dal ama bulsho, kaasoo saamayn ku yeesha habnololeedkii dhaqaale ee dal lahaa, sidoo kale sixir bararka waxaa lagu macneeyaa lacagtii dal lahaa oo qiimo yeelan waydey, {Currency is falling} marka lacagtaadu qiimo dhacdo, taas macneheedu waxaa weeye dalkaa waxaa jira sixir barar halis ah, intaa waxaa dheer qiimaha wax kala iibsiga oo si degdeg ah kor ugu kaca. Tusaale ahaan marka lacagtii dalkaagu qiimo dhacdo ee ay waxba kuu goyn weydey waxaa imanaysa in wax kala iibsigiina uu is bedelayo oo maciishadii daruuriga ahayd ay kor u kacayso, taasoo dalkaa u horseedaysa nolol adag iyo burbur dhaqaale. sixir bararku waxaa uu ka dhacay wadamo badan oo calaamka, gaar ahaana qaarada afrika sida wadanka Zimbabwe, oo marka lacagtii dalkaasi qiimo yeelan weydey noloshii dadka reer Zimbabwe ay khatar gashay, dalkaasina uu noqday ka afrika ugu faqiirsan, ka dib markii ay lacagtoodii ka door bideen lacago shisheeye ama dalal kale. Madaxweynaha la doortay Muxuu Ku Xalin Karaa Sixir Bararka?

 

 

 

 

Madaxweynaha la doortay Mudane, Muuse Biixi Cabdi, waxaa uu haystaa fursado muhiim ah oo ku soo afjari karo sixir bararka bulshada iyo dalkaba kuryaamiyey. Waa in uu madaxweynuhu fahmaa waxyaaba sixir bararka sababta u ah, taasoo ay kaw ka tahay in uu soo celiyo awoodii shaqo ee uu lahaa Baanka dhexe oo ah ka laga rabo in uu xadido qiimaha shilling Somaliland iyo lacagaha kale ee qalaadba. Waa in madaxweynaha cusubi joojiyaa lacaga doolarka ah ee lagu isticmaalo technology-da casriga ee loo yaqaano Zaad Service iyo E-dahab, kuwaas sababta ugu wayn u ah sixir bararka iyo qiima dhaca yimid lacagtii Somaliland, waayo qof wax walba waxaa lagu iibsanayaa doolar, taasoo moobilada lagu sito intii aad doontidna aad diri kartid.

 

 

 

 

Madaxweynaha la doortay in uu joojiya lacagta adag ee dalka ka baxaysa, sida lacagta qaadka oo lagu bedesho isla habeenkii doolar, taasoo Iyana sabab u ah qiimaha dhaca lacagta Somaliland iyo sixir bararka, taa bedelkeeda waa qaadka lagu bedeshaa lacagta birta ah sidii ay ahaan jirtey. Madaxweynaha cusubi waa in uu jaangooyaa heer ama limit aanay dhaafi Karin qiimaha sarifka Somaliland, tusaale ahaan maanta waxaa halkii doolar lagu sarifayaa 10,000 oo shilling Somaliland, waa in halkii doolar aanu dhaafin 60,000 oo shilling, sidii ay ahaan jirtey. Waa in madaxweynha cusubi uu tallaabo ka qaado ganacsatada oo uu hoos u dhigo maciishada aan maanta cidi goyn karayn, isaga oo la tashanaya dadka aqoonta u leh dhaqaalaha, isaga oo cashuurta ka yaraynayaa waxyaaba daruuriga ah, sidoo kale cashuurta ku kordhinaya waxyaabaha aan muhiim ka ahayn, sida qaadka, sigaarka, electronica-ga, bacaha, baabuurta iyo dhamaan waxyaaba la inoo soo dhoofiyo ee aan muhiim ka ahayn. Hadii uu madaxweynaha cusubi uu arrimahaa kor u xusan uu wax ka qabto ama oo go’aamadaa qaato, Somaliland way ka baxaysaa dhibaatada sixir bararka, madaxweynaha cusubna taariikhda ayay u gelaysaa, waana masuuliyad saran in uu soo celiyo karaamadii lacagta Somaliland.

 

 

Cabdillaahi Axmed Caarshe,

Hargeisa, somaliland