Jabhadda TPLF Oo Aqbashay Wadda Haddalo Bilaa Shuruuddo Ah

Jabhadda TPLF Ee Ka Dagaalanta Waqooyiga Dalka Itoobiya, Ayaa Markii u Horaysay Sheegtay Inay Diyaar u Tahay, Isla-markaana Ay Aqbashay Wadda Haddalo Bilaa Shuruuddo Ah.

Warqad Qoraal Ah Oo Kasoo Baxday Taliska Ay TPLF Ku Leedahay Caasimadda Ismaamulka Tigre Ee Mekele Ayay TPLF Markii U Horaysay Ku dalbatay xabad Joojin Iyo Wadda Haddalo Shuruud La’aan Ah.

Waxa cajiibka ah ee warqadan aad ka dheehan karto ayaa ah in TPLF ay oo horay dhaleecayn iyo eedo culculus ugu soo jeedisay Midawga Afrika ay haatan sheegtay inay ku kalsoontahay Wadda Haddal AU, hogaaminayso oo lagusoo afjaro colaada Waqooyiga Itoobiya.

Dhanka kale TPLF ayaa warqadan waxay Xukuumadda Dhexe Ee Uu Hogaamiyo Raysal-wasaare Dr Abiya Axmed Cali Kaga Codsatay in Fadliga Sannadka Cusub Ee Taariikhda Itoobiya Dartii La Joojiyo Qaraxa Baaruudda.

Hadalkan qoraalka ah ee kasoo baxay Mekele ayaa loo aanaynayaa inuu ka dhashay jabka xoogan ee dhanka milatariga ah ee maalmihii u danbeeyay soo gaadhay maleeshiyaadka TPLF.

Ugu danbayn TPLF ayaa sheegtay inay aas aastay koox wadahadalka ku matasha oo ay horkacayaan Getachaw Reda iyo Tsadkan Gebretinsaye.

Sdm.
Hassan Awliyo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker