Oodweyne News - Latest Somali News Update

WAR SAXAFADEED XAFIISKA WAKIILKA SOMALILAND EE DALWEYNAHA CHINA

HAMBALYO DOORASHADII DALKA KA QABSOONTAY 13 NOV 2017

Anigoo ah Cabdi Maxamuud Saleebaan(Mingiste),ahna wakiilka Somaliland ee dalweynaha China ,Axmed Cali Xirsi ku xigeenka wakiilka,kuna hadlayna magaca Xafiiska iyo magaca dhamaan Jaaliyada reer Somaliland ee dalka China,waxaanu halkan hambalyo uga diraynaa:-

  1. Guud ahaan Shacabka reer Somaliland sidii fiicnayd ee ay ugu qayb qaateen Doorashadii Madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay 13 Nov 2017,sidoo kale waxaanu ka codsanaynaa  in ay nabad gelyadana si fiican u ilaaliyaan.
  2. Si gaar ah waan ugu hambalyeynaynaa Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka la doortay, Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxman Ismaciil saylici,waxaanu ugu ducaynaynaa in ILLAHAY u fududeeyo Xilkaa culus ee loo doortay.
  3. Waxaanu  Xisbiyada Mucaaridka ka codsanaynaa in ay aqbalaan natiijada ay ku dhawaaqeen Guddigga Doorashooyinka Somaliland,wixii ay tabanayaana ay u maraan jidka Sharciga Iyo wadahadka,kaas oo ay Somaliland ku soo nabad Ivo Caano maashay  mudadii ay jirtay,ogaadana tartan kasta oo la galo cid baa guulaysata.
ALLA.              MAHAD.      LEH
 
 
CABDI  MAXAMUUD SALEEBAAN (MINGISTE)
WAKIILKA SOMALILAND EE CHINA