Oodweyne News - Latest Somali News Update

HEES” SOMALILAN HORU MARTOO

Soomaaliland horumartoo
Sabo lagu badhaadhiyo
Qaran weeyi sare marey 
Iyadoon cid saacidin 
Sahankeedu waa guul 
Saldhigeedu waa nabad 
Sumadeedu waa diin

Sareedada aduunkiyo
Saatir mahadi weeyee
Qaran weeyi suganoo
Saxar laga illaashoo
Xumo laga sifeeyoo
Ku sifoobey nabadoo
Sumcadiisu weyntahey

Waana qaran samaanloo
Ka siraatey geeskoo
Somalinimadana
Sinjigiisu yahayoo
Sooryada ku wacanoo
Sokeeyaha u roonoo
Samaan iyo wanaag jecel””

??
??
??
??
??
??
??
??
??

??

Sacad Jibril Ahmed

telephone: +25224463215

Hargeisa, Somaliland