Oodweyne News - Latest Somali News Update

Daawo Masuuliyiinta Xisbiga Waddani Oo Shir Deg Deg Ah Laysugu Yeedhay

Wararka magaalada Hargeysa  ayaa sheegaya in hadda murrashaxa xisbiga WADDANI  Cabdiraxmaan Cirro uu shir deg deg ah hadda iskugu yeedhay dhamaan masuuliyiinta kala duwan ee xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI.

 

 

Shirkan ayaa hadda ka furmay sida naloo xaqiijiyay huteel Ambassador ee magaalada Hargeysa,waxaana kulankan deg dega ah ee hadda ay iskugu yimaadeen hogaanka iyo masuuliyiinta xisbiga WADDANI uu salka ku hayaa natiijada doorashada madaxtooyada oo hadda ku dhawaaqisteedu ka socoto xarunta guddiga komishanka Qaranka Somaliland isla markaana lagu dhawaaqayo natijada doorashadaasi.

 

 

Xogaha ayaa noo tibaaxay in kulanka la filayo in ay go’aan kasoo saaraan hogaanka xisbiga WADDANI taas oo ku saabsan natiijada doorashada Somaliland.