Oodweyne News - Latest Somali News Update

Diyaar-garowga Sansaan Colaadeed Oo Lagasoo Sheegayo Degaanno Sanaag Katirsan Iyo Shir-doceedyo Kajira Buuraleyda Daalo.

 

Hargeysa(OWN) Wararka ka imanaya Gobolka Sanaag ayaa sheegaya in ay jiraan shir-doceedyo maalmahanba buuraleyda Daalo ee Waqooyiga Ceerigaabo uga soconaya waxgaradka qaar kamid ah beelaha kudhaqan gobolka Sanaag.

Waxana wararka shirarkan la xidhiidhaa tibaaxayaan inay suurtagal noqon karto in shirkan bilawga ahi gogol-xaadh u yahay shirar kale oo ballaadhan oo kulmin doona beelo galbeedka iyo bariga Somaliland ah.

Sidoo kale Wararkan oo aan hubaal ahayn balse laga helayo ilo looga qaateen ahi ayaa sheegaya in ay jiraan qurba-joog degaannadaas u dha;atay oo gawaadhi yaryar iyo mishiinnada loo adeegsado laxaamadda iyo wayaabo kale debedda kasoo iibiyey islamarkaasna lafilayo inay dhowaan soo gaadhi doonaan degaannadaasi.

Iyadoo wararku intaas kusii darayaan inay jiraan dhallinyaro degaannadaas kasoo jeedda oo iyagana loo diyaar garaynayo in gaadiidkaasi gacantooda geli doonaan.

Sikastaba ha ahaatee inkastoo ilaa xilligan aanay caddayn xaqiiqada wararkani haddana haddii arrimahani sida loosheegayo noqdaan waxa muuqata u-diyaar-garowga san-saan colaadeed oo Sanaag kajirta taasoo ilaa hadda aan lasheegi karin halka ay salka ku hayso iyo saamaynta ay yeelan karto toonna.

Oodweynenews.com/Hargeysa