Madaxweyne Muuse Biixi iyo Dr Gaboose Sidee ayey Isula Jaanqaadeen Siyaasada Cakiran?

Madaxweyne Muuse Biixi iyo Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka Barwaaqo Dr Gaboose Sidee ayey Isula Jaanqaadeen Siyaasada Cahdigan?

Tan iyo intii, ay Soo baxdey dhaqdhaqaajinta Ururada Siyaasada Somaliland, iyo Damaca Kadiska ah ee Dr Maxamed Cabdi Gaboose Waxaa Maalmo badan dhex Socdey, Shacabka iyo hadalheynta Ku Wajahan Arimahaasi, in Madaxweynaha Qaranka Muuse Biixi Cabdi iyo Drku boodhka Ka Tumeen Xidhiidh Cusub oo Dardartiisa Wata taas, Kadib Mudo dheer, oo ay Isugu Dambaysay, Xiligii Bilawga Ururada Siyaasada, ee Sanadii 2002dii, oo ay Wadda bilaabeen Urur Siyaasadeedkii SAHAN ee ay Wada Bud-dhigeen.

Weeraro badan oo Gaboose Kaga Socdey, Dhinaca Mucaaridka iyo taageerayaashooda, oo isku beegay in Madaxweynuhu Sabab u yahey, Kusoo Laabashada Dhinaca Siyaasada Waxa uu Soo afjarey, qodobkaasi Kadib Markii uu hadal ka jeediyey Xafladii uu ugu Wanqaley Urur Siyaasadeedka Barwaaqo, Halkaas oo Ka Badheedhay, isagoo Yidhi.

“Madaxweynaha Muuse Biixi Annagu Waannu Jecelnahaye Cidii Necebi Cirka Ha Tagto”

Sikasta oo, ay tahey Qorshayaasha iyo dhaqshaqaaqyada u Socda Dr Gaboose iyo Ururkiisa Barwaaqo, ayaa la Sheegay innuu Saldhig uga dhigayo, Mawduucyo Ku Xidhiidhsan, innuu Ku Foogan yahey Isbahaysiyo Cusub, oo uu Ku Doonayo innuu Ku Muujiyo Isbadelo Dhinaca Is gaashaanbuuraysiga ah, oo Wax ka badelaya Sida ay Xiligan u Aawan Tahey Nidaamyada Qabyaaladeed ee Xisbiyada hore u dhigan yihiin iyadoo la Sheegay, in Socoto Arimo Gunta hoose laga Soo Xidhayo.

Sikasta, oo ay Tahey, Waxaa indhawaale Dalka ka Socdey, Qorshayaal badan oo lagu dardar galiyo Siyaasada Ururada taas oo ay Mucaaridku kaga Mashquuleen Hadalada laga jeediyo Xafladaha, iyo Jawaabta badan ee dhinaca Xukuumadda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker