IMF oo Balaayiin Dollar ugu deeqday Sri Lank

Hay’adda Lacagta Adduunka ee (IMF) ayaa sheegtay in ay heshiis la gaadhay dalka Sri Lanka, si looga samatabixiyo dhibaatada dhaqaale ee dalkaas ka jirta, waxaana IMF ay sheegtay inay dalkaas siin doonto muddo afar sano ah, lacag gaadhaysa illaa $2.9 billion oo dollar.

Koox ka tirsan hay’adda IMF oo booqasho ku joogta dalka Sri Lanka ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in heshiiska hordhaca ah ee ay la gaadheen dalkaasi inuu ku xidhan yahay inuu helo ansixinta maamulka sare ee hay’adda IMF.

Sri Lanka ayaa waajahaysa masiibo dhaqaale oo aad u daran, iyada oo ay dalkaas gabaabsi ka noqdeen shidaalkii, daawooyinkii iyo cuntooyinkii, ka dib markii ay aad u yaraadeen lacagihii qalaad ee ay debedda wax kaga soo iibsan jireen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker