Oodweyne News - Latest Somali News Update

Ciidamada Booliska Somaliland Oo Xabsiga Dhigay Madaxii Olalaha Ee Xisbiga Waddani

Ciidamada Booliska Somaliland ee gobalka Gabiley, ayaa xabsiga u taxaabay Madaxa Ololaha Doorashada ee Xisbiga WADDANI Aqoonyahan Xamse Kheyre oo si caadi ah gudaha magaaladdaasi uga gudanaayey hawlahiisa shaqo ee la xidhiidha Doorashada.

 

 

 

Illaa hada lama oga sabab rasmiga ah ee xabsiga looggu taxaabay sarkaalkaasi balse sida hada la ii xaqiijiyey, ayaa wararku sheegayaan in ciidamadu ay soo xidheen isaga oo si caadi ah kormeer hawleed ugu jooga gudaha magaaladdaasi, waxaana wararku intaas ku darayaan in loo geystay jidh dil iyo dhaawacyo aad u xooggan.

 

thumb

Oodweynenews Newsroom