Oodweyne News - Latest Somali News Update

Hal Qof Oo Ku Dhaawacmay Rasaas Ka Qaraxday Askar Ilaalinaysay Goob Cod-bixineed

Hal Qof oo Rag ah ayaa ku dhaawacmay Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer Maanta.
Qofka dhaawacmay, ayaa waxa ku dhacday Rasaas ka Qaraxday Askari ka mid ah Ciidammada Sugayey Amniga mid ka mid ah Goobaha Cod-bixinta doorashada, sidaana waxa Xaqiijiyey Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Somaliland Eng. Cabdiqaadir Iimaan Warsame.

 

 

Burco “Goobaha Cod-bixintu Nabadgalyo ayay ku soo xidhmeen, meelo yaryar way ka dhaceen Dhacdooyin aan badnayn.’ Ayuu yidhi, Guddoomiyaha Komiishanka Doorashooyinka Qaranku, waxaanu intaa ku daray “Goob ka mid ah Burco (Goob Cod-bixineed) Laba Askari ayaa Rasaas kaga Qaraxday Nin, markaa dhaawac yar baa jira. Markaa wax yar oo noocaas ahi way jiraan, oo aan badnayn.”

 

 

Guddoomiyaha Guddiga Doorashoyinka Somaliland Cabdiqaadir Iimaan Warsame waxa kale oo uu sheegay “Ma Hayno wax dhimasho ah iyo wax dhaawacyo badan ah, wax Khilaaf ah, min Bari, Waqooyi, Galbeed, Koonfurba. Waddanka oo dhan waxaynu uga dabbaal-degaynaa dhamaystirka Doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.”