Oodweyne News - Latest Somali News Update

Maxaynu Doorashada U Galaynaa?

Bismillah Salaamu Laahi Caleykum. Waxa mahad oo dhamu u sugnaatay Allah Raxmaan ka ah ee inasiiyey Aminga iyo iimaanka aynu manta ku noolonayno.

 

 

Waxa uu Shacabka Somaliland u dareeri doonaan Maalinta beri haddii Eebo idomo 13 Nov 2017 Maalintaasi Waa  Maalintii 57 Konton Sanno Ka Hor Aynu Qaadaney Xornimadeenii ,Taas oo Aynu Ka Hoose Baxney Gumeysitihii Ingiriiska , Inagoo Hor Kacney Wadamo  Badan Oo qaarada Afrika Ah , Waa Malin Shacabka reer Somaliland Iyo Shucuubta Somaliyeed Farxad Weyn Galisey meelkasta oo ay somaali deganayd wakhtigaa isticmaarku jiray, tanina waxay dhalisay inaynu hormuud u noqono ugana horayno inay taagnay calan somaaliyeed oo ka dul babanaya dad somaaliyed.

 

 
Waxa xusid mudan. 26 June 2010 Maalintii aynu codaynay Maddaxwaynaha hadda Mudane Axmed Siiranyo iyo in ka badan Nus Qarni Ka Dib , Shacabka Somaliland Waxaa u Qoondeysan diyaarna u ahaayeen in Ay Galaan Doorasho Madaxweyne Hadii Eebe Idmo, Taas oo Ah Mid  Muwaadin Kasta Gudanayo Waajib  Wadaniyadeed ee Xaqa Loogu Leeyahey , Waa Maalin Aynu u Hiilin Doono adkaynta iyo Gooni isku Taaga Somaliland , Waa Maalin Muwaadin Kasta Dareemi Doono Midhihii Halgankii Hubeysnaa ee dhiiga badani ku daatay, ee hooyooyin badani ku waayeen curadoodii qaarbadinina ku waayeen ragoodii ,Waa Maalin ay taariikhdu ay qori doonto xusina Doonto Qiimaheeda ,Waa Maalin aynu dhinac wada noqondoona inagoo ilaashanayna danta guud ee qarankeena, Cadowgeenu Ka Nixi Doono , waa maalin aynu codkeena si farxadi ku jrto u codayn doon kana qaadi doona nasiibkeena waamilin aynu guul iyo guuldaraba diyaar u nahay, Muwaadinkuna Ku Farxi Doono Waana Maalin Aynu Codkeena Ku Ciil Bixi Doono.

 

 

 

Waxa aynu kawada dharagsanahay, kibrad badana u leenahay xiliyada doorashooyinka maadama oo ay ina soo mareen doorashooyin badan oo wakhtigooda iyo waayahoodaba wata kana kordhsanay casharo ina anfacay maanta oo nina aanu marlaab codayn Karin ay ugu wayntahay iyo sida loo aqblo guuldarada loona haneeyo guusha,

 

 
Waxaa karaamo iyo aamaan Mudan Koomishanka Doorashooyinka Qaranka (NEC) Somaliland ee Hadda Kuwaas oo Muujiyey Karti iyo Dadaal Dheeraad Ah muddadii ay xilka hayeen kasbadayna quulbta shacab wayna codayn doona maalinta doorashada , Ilaa Hadana Ay Muuqato Rajo Aad u Wanaagsan oo Doorasho Ku Dhici Karto taas oo ay markhaati u tahay sida habsimi usocdka leh ee ay u wada diyaariyeen agabkii iyo shaqaalihii goobaha codbinta ka hawlgalilahaa oo ilaa maalmahan u kala safrayey Gobalada,Degmooyinkii iyo Goobaha ay codbixintu ka dhaci doonto insha Allah ,  waxa marag ma doonta ah inaynu soo marnay kana soo gudubnay wakhtiyo iyo waayo badan oo adag taas oo aynu inta badan ka horaysiino jiritaankeena iyo DALKEENA HOOYO ee aynu wada hadhsanayno.

 

 

 

Maxaynu doorashada u galayna?

Walaal waxaad ugalaysaa waa danta guud ee aynu wada leenahay kana turjumaysa danaheena oo aynu u dirsano cid inagu hogaamisa si cadaalada, hufnaan, maamul wanaag,isku duubnaan ama wadajir iyo kawada faaiidaysiga khayraadka wadankeena ee dihin, ee maaha inaad xisbi u hiilinayso

Walaal waxa manta jira waad ka warqabta ee hareeraheena ka socda iyo sida ay xaaladoodu tahay, waxa kugu waa jiba inaad fiiro gaara u yeelato oo adigu aad kaw ka noqota wanaaga iyo wadajirka shacabkeena Somaliland.

Muwaadin waxaad doorashada u galaysaa waa inaynu sii xoojino Aminga dalkeena kajira siina adkayno manta oo kale adiga ayaa POLICE ah ilaalinaya danahaaga iyo ta shacabkaaga waa maalin ay tahay inaynu lawada shaqayne laamaha amniga ee sida gaarka u khusayso .

Waxaynu doorshada u galaynaa inaynu helno qof ku haboon inuu ina hogaamiyo 4 sano ee soosocda Insha-Allah. Saddexda muwaadin ee tartamayaaba waa Somalilanders midkastaana waxa uu jeclaystay inuu isagu mudanyahay inuu noqdo ka ugu haboon ee dalkan hogaaminkara gaadhsiinkaran barwaaqo iyo horumar.

Muwaadin waxaad xor u tahay inaad codkaaga siisi Saddexda Musharax kaad doonto, waa maalinta aad ku ciilbxi doonto codkaaga adigoo kaashanaya damiirkaaga iyo dadnimadaada oo u danaynaya jirtaanka iyo qarinimada Jamhuuriyadda Somaliland ee ay ka hanaqaaday hanaanka geedi socdka dimuqraadiyada iyo hanaanka xisbiyada qaranka eed maantaba ku codaynaso.

Ugu danbaynii Muwaadin waxaad ogsoonaataa inaatahay qof awoodleh maanta oo garanka kaad u codaynso Saddexda musharax oo dhisi kara Dawlad cusub adigoo adeegsanay codkaaga iyo shakhsiga ina hogaamin doona 4 sanno ee soo socda Insha-Allah

 

 

 

 
Alle ha ina ilaaliyo han inaga dhigo kuwii Wanaaga Isku Dar daarma , Xumahana Iska Reeba,

Alle-Mahadleh

Faxaan Maxamed Jaamac

+252634441131
Hargaysa,Somaliland