Oodweyne News - Latest Somali News Update

MAANSO HALISTA BUUX DHAAFTAY

MAANSO

Halista  buux dhaaftay

Keene iyo kordhiye

Keene . waaryaa kordhiye saaxiib waa burrito doorashadi

Maxaad odhan la hayd.

Kordhiye . saaxiib waxaan odhan lahaa  BADDALUU

Immikana waa maansadii ( halista buux dhaaftay )

Ayadoo buurburi gaadhayoo

Baquhu saameeyay

Laba belo markii ay heshiis

Buugta lagu duugay

Ballankuna estii ( snm ) uu ahaa

Baaba,laga yeelo

Baahidu markii geeri iyo

 Dhimasho beegnaatay

Bedel noqotay madaxii saroo

Beelna wada giije

.

Cabdibaa markaa soo baxoo ( cabdiraxmaan axmad cali) (ahn)

Qaatay bigilkiiye

Waa tay hadh galay baacsadeen

Bahalki weynaaye

Burco iyo ilaa oogta sare

Buurta iyo dawga

Waa tay bayaan uga qaxeen

Meeydka oo badane

Maantana bartii oo kalaa

Beeshu maraysaaye

.

Sicir barar ka boob doolar iyo

Baaska wada haysta

Bi,I waaye naga soo afjara

Halistan buux dhaaftay

CABDIGII LABAAD HAW BAXEE

TAAJKA BOQOR SAARA

BERRITANA AYAY DHAAFINEE

HAA KU WADA BOOBA.

Wa (BILLAAHI TAWFIIQ )

Guuleed liibaan    snm1710@livecom