Oodweyne News - Latest Somali News Update

Yaan lagaa qorine, qiimahaaga ilaasho Qormadii 10aad

Halhays Soomaaliyeed baa wuxu yidhaahdaa, ” Sidi sididaada mooyiye dhul-u-dhacaaga hubso.”

 

 

Maahmaah Ingiriisiya ayaa iyaduna waxay tidhaahdaa, ” Don’t count your eggs before they hatch!” oo macnaheeda oo koobani yahay; beedkaaga (ukuntaada) ha tirin illaa inta uu ka dillaacayo!

Waayo, haddii aad sii tirsatid isaga oo aan beedku dillaacin oo ay qaar xumaadaan; mar down xisaab kale ayaa kuu soo bixi doonta!!

Waxaynu tusaalahaasi uga danleenahay, waxa laga yaabaa; in ay xisbiyadeenna qaarkood u bogeen tirada taageerayaasha ah ee fagaarayaasha u iman jirtey oo ay kursiga ku sii fadhiisteen – iyada oo aan natiijo soo bixin. Taasi oo laga yaabo, in ay mar dhoow liqi kari waayaan inta u soo baxda ee dhabta ah!

Haddaba, waxad murashax/taageere ogaataa, inta codaynaysaa in aanay ahayn intii timid fagaarayaasha ee ay tahay; inta kaadhka haysata ee maalintaasi codaysa.

Sidaa awgeed, sarajoogga ha ku sii ataxiyaadsanin ee naftaada u sii sheeg; in ay aqbasho go’aanka rasmiga ah ee ka soo baxa doorashada.

Raganimadu ma aha: in aad cadhootid, caytantid ama aad dagaalantidba. Raganimadu waxay ku jirtaa, qarqarsiga naftaada iyo qabashadeeda marka ay arrinto qadhaadhto!!

Guntii iyo gabogabadii, qaranku ka qaro weyn qof iyo qabiilba.

Ha noqonin,” boqol soonkii bakhtiga ku afuray!” Macnaha aynnu u-la-jeednaa waxa weeye, ayay khaatumadu kaa xumaanin ee qaranka u tudh!!

Wa bilaahi at-towfiiq

 

 

 

Cabdullaahi Maxamed Cumar

Email: timacadde56@hotmail.com