Oodweyne News - Latest Somali News Update

GABAY NABADU WAA QAALI ISMAACIIL FAALIYE

gabay nabadu waa qaali
——————————-
madaaba mudu interneka laydinka xidhaayoo
dadka reer slan waxaan idinkula dar-daarmayaa
tixdan gabayga ah ee magaceeda la yidhaahdo 
nabadu waa qaali waxa kale oon dhibaatada
dabada dheeraatay ee soomaalida haysata 
anigu ku qiimeeyay 4-shay 1-qaad-2-qaabiil
3-qabwayni- iyo qaraxan inagu soo biiray gaar
ahaa koonfurta aadka uga dhaca hadaba tixdu
iyada,oo soomaali guud ka hadlaysa waxay tidhi
————————————————————–
qajeelbay amaanaan mid aan qiil u garanayne
qushi hadalka waa laga jiraa qawllka maansad,e
rag uunbaa qasbayoo murtida qaafyadeed dila,e
hada anigu amintaan qistiyo ama u qashaarto 
sidii qaasin ayaa  aan  cabdoow qun ugu banaaye
qamaamuurta suugaanlaybaan qoorso leeyahaye
qasharr kaliya kuwo haysta iyo quusdarlaa dama,e
qasnadayda goortaan furaan baas ka qubayaaye
qarnigii la joogana waqtigu qaabadbuu yahaye
ma quweeyo ruxaan aqoon qiimihii gabaye
dhalinyarada qaarbaa ka jecel hees qanaayadd ahe
caawana tix aan qoray ayaan qodobo faalayne
bal dhagaysta qaacigaadd malaa uga qushuucdaane
——————————————————————-
qoyskii aadan laga soo biloow qoobka dhigistiiye
markii eebe kala qaydayee koonkan kala qaybshay
dhul qarfaa sameeyiyo cir iyo badahan  qayddqaydan  
qamaan- qawse jiiraha badhkood buur qufulan taagay
banaan qaawan qaadirkeen salaxay meel qol iyo cuuna
qalcadaha samawaadka,een cidi qiyaasaynin
qamar iyo cadceedd iyo xitigo nuurka qabadsiiyay
ee ay qolaba meel  ay dagaan qaarad lagu beeray
ee quruumaheedaa hadana midabyo qaabeeyay
ee qawlkoodan kala luuqadaa qoomba hadall siiyay
ee qaamuusyo gaariyo dhaqamo qayrra kala yeelay
quudhsi diide iyobay lahayd kibirr qabwaynaane
qaxarkeedu wuu soo taxnaa tan iyo qaabiile
qofna qaybta uu helay aduun wuu qawadayaaye
qancinwayday ruuxii nimcada laysku qoofalaye
qabsashiyo car qaadbaa intaa qubaya dhiigeede
tii habiillba loo qoonsadaan cidi u qiill hayne
qallbi aadmi waakaa iblays dagay quluubtoode
dadna qiiqan soo wada mar iyo qarax rasaaseede
hadii duulna qalad ay galaan qabarrna aafeeyo
mar uunbaa rag door iyo qumane qaban hogaankoode
ooy qumaati socodkoodd halqigu ugu qushuucaane
reer quwaaxle reer qudhac  dagaall way qudurayaane
balse qoysaskaan nahay  iganu qiro heshiinwaaye
wagii qalalacleeyaba xageen waan is qixinaaye
—————————————————————–
qaynuun kay dhigtaanbay umadi qodobo raacaane
qardhaastiyo sidii koor intaa qalalamtuun haysa
qilaafse aan dhamaanayn dadkeen qoorta loo galiye
qabwaynihiyo kuu quudhsaduu qaxar ka joogaaye
kala qubatay soomaalidii qarada waynayde
qiiro- qiiro imikay u tahay qoom la qaybsado,e
qaad iyo qabiilkuna bulshada bade qasaarayne
isna qaraxan soo biiraybaan cidi u qiill haynin
afartaasi waa waxa qaribay biiyay qarankiiye
nabadbaa qurxoon loo amnigu qaalibuu yahaye
eebe lagama quustiyo alana qaniga tiisiiye
raboow qaadir khaatumo intood qayrrka garansiiso
quduus adiga kuu qayshadaye qabo hadhaageeda
—————————————————————–
qaabkii dhidarka waakii u eeg aar haduu qoyo,e
isba qoraxdu markay soo baxduu qalali doonaaye
ma qarsoomo shaashku watiyo  qoorta xooga liye
waataynu qarniyaal ahayn qoodha duunyada,e
qaayiddkeedu inaguu ahaa qaaradd madawdaase
quwad duuban  wayaan qabniyo jeej qusuusiya,e
haduu cadawna naga qoofi jiray lays qadarinwaaye
waxa waysha loo qawracaa dibi u quus goynne
nin qayrrkiiba loo xiirayaa qoorta soo dhigaye
soomaalina is qalataye markii laysku cunay qaydhin
ee kala qatoobeen naxligan kala qalaynaaya
qoontayste gaaladu dhulkay qaybta u lahayde
hamhamtiyo qacdooduna waxay qararaclaynayso
qawlaysatadu maahee nasteex waa qas wada yaale
quruumahan is hoos yacayaa wuu qadhaab yimiye
qaraarr waxay ku gaadheen dalkaba si ay u qaataane
dabaal joogto quusbaa jirtiyo dib u qadaadayne
qofkii biyaha aan mari aqoon way qarqinayaane
qaramada midoobiyo qarbigu ma leh qaneecaade
siro aan la qeexaynn saxeex waa isu qariyaane
qooriga badeenana intaa way sun qubayaane
qalbi taami wuu garanayaa qaradkay leeyiine
qosol beene quraafadka iyo qawda maqashiintan
quruxbaabay qaar moodayaan qaafillnimadoode
bilaa qadiyad u qabaanaysay qiiro galiyaane
caaq ujeedu lagu soo qufulay qiill u haynn badane
riyo qaawanaantoodd la yidhi kama qasoobaane
intooy idaha qooraansadaan way u qajilayaane
ruuxba qumanihiisaa dadkana qoorta loo sudhaye
in qiyaamo gaall leeyuhuu kuna qilaafaayo
quraankaa cadeeyiyo nabigi qawllkii uu yidhiye
hadba qiimo ninka ay bidaan way qataliyaane
qallcadii taleex iyo adarri  waakuwii qabsadsaye
qajeelay rag qaayo intaa qaarajinayaane
axmed guraygi qarniguu kacee weerar lagu qaaday
iyo maanta qaabkay wadaan waa qoraal qudha,e
qorshohoodu wuxuu doonayaa qaybiyoo u taliye
—————————————————————-
dareen qoonsimaad lay iyaba qaaq la leedahaye
waxay fiintu uga qaylisaa roobka waa qabowe
qadh-qadhkeeda iyobay taqaan siduu u qoyaaye
abwaanada qisootaa murtida garate qayrrkaye
ana qaranku sida, uu. u jabay qoomamaysaniye
—————————————————————
qaynuun kay dhigteenbay umadi qodobo raacaane
qardhaastiyo sidii koor intaa qalalamtuun haysa
qilaafse aan dhamaanaynn dadkeen qoorta loo galiye
qabwaynihiyo kuu quudhsaduu qaxar ka joogaaye
kala qubatay soomaalidii qarada waynayde
qiiro- qiiro imikay u tahay qoom la qaysado.e
qaad iyo qabiillkuna bulshada bade qasaarayne
isna qaraxan soo biiraybaann cidi u qiill haynine
afartaasi waa waxa qaribay biiyay qarankiiye
nabadbaa qurxoonloo amnigu qaalibuu yahaye
eebe laga quustiyo alana qaniga tiisiiye
raboow qaadirr khaatumo intood qayrrka garansiiso
quduus adiga kuu qayshadaye qabo hadhaageeda
—————————————————————-
markii qaadirr muusii diree waano kala quustay
waakii qalibay duulkii fircoon quwaduu is bidaye
qoom kastoo la rogayana waxabaa sababa qaraqoode
qab-qabluuna waakaa u baxay qarankii soomaale
isku qabatay dawladay lahaydd saami qaybsiga,e
qabiill waliba waakaa xidhan qoobad gooniya,e
talo iyo qirteedana markii laysku gacan qaaday
hubka qaaca qiiq iyo suntii laysla dhacay qaashka
qudhbax waa dhaafiyo dadkoo qoorta laga goyne
waraabiina qaarbaa qashoo qiill xalaashadaye
haduu qaayo gayigeen lahaa qurux wanaageeda
ama qaniba lagu sheegi jiray lagu qad ciidiiye
dhirtii midhaha laga quudan jiray ma le qadhaabkiiye
qaarka sare rag uu hoolmayoo qawllalku cadaaday
dhuxulaa qarqooriyo nim aan nolosha qiimaynne
qadiimiga dhulkeenii ahaa waa qolfoof madhane
qujuf-qaashka hoosiyo wixiish jiirka qalanaysa
doofaar qururufleeyiyo darkii cunayay qaydhiinka
buutiis qawaanaa iyo cawaan aan maryaha qaadan
duull kastoo qadhmuunaa haday naga qashaafaane
——————————————————————–
qasaarii dad gaadhiyo wuxuu qaranku aafoobay
qalin laguma koobiyo qoraal amase qeexnaane
qaacido tix raaceed markaan qaamuska u baadhay
bal dhibteeda qaada dhigaye qodobadaa raaca
——————————————————————–
qalamaayo awrrkii qudhaa geel ku qaayibane
kuman qoodha kun siyaasiyiin kuman abaar qooqa
kun qabwaynn leh kuman yeelahaynn kuman u quus gooya
kuman qoob la kun laxaadd go,een qori kun uu jiidhay
kuman qaxaya kuman qoofsan iyo kuman qaloonaaya
kuman qaari qalin duurlayaall wada qilaaf keena
kun qamiis leh kumanaan gadhwaynn  kuman qiyaamiina
kuman qiiro haysoo janada qarax ku doonaaya
kuman qaatull kuman dhiig caboo qaaq wax kaga siiyay
kun shahaado qaadoo hadana aan quluu baranin
kuman qayrr la oo aqoon la bido kuman qaneecaddla
kun xil qalada loo dhiibayoo lagu qasaaroobay
kuman qarashka soo baxa iyagu kali u qoondaysta
kun shisheeye u qabaanayoo qarashka eexaysta
kuman daajirr loo qabo misina maall yatiim quuta
kuman talo qor-qooriyo  boqoro qolall yar lagu doorto
kun qudcinaya kumanaan qufulan kuman qiflaynaaya
kun qaluufsan kun aftaagahoo aan gartaba qaadan
kun qasbaaye kun maqiiqan iyo kuman qar jiidhaaya
imaanku waa qani qoofkii qaadir garansiine
kuman maanka laga qaadayoo qalabadd laga saaray
kun xashiishad qiijiyo kumaan qudhunka nuugaaya
kun qamraysan kun wax dhacaya kuman qadhaab doona
kuman qaaca xayraan kumana kuman qadhaadhooda
kun qamaamsan kuman juucsan iyo kuman qamaaciira
kun qarwaaya kun dubaab cunoo qaadkii qabanwaayay
kun qayilaya kun mirqaansanoo qaaci tumanaaya
kun murmaaya af qashuushlayaall buuq la qaylinaya
kun qataaran kuman washay iyo kuman la raadd qaaday
kuman qadaya kun qadoodiyoo samirka iska qooshta
wataa qubantay shanta qaradood qarankii soomaale
kuman quustay kun socdaalayoo qunyar dhaqaaqaaya
kun qoxoonti wada doonayoo qaati laga joogo
kun qashaartay kun tahriibayoo qawll ka dagahayninn
kuman badaha quusoo iyana ay qurbeen bahalo
kun qolfoofmay saxaraa haftoo qalantay saantoodi
kuman qaanac gaadhoo qurbaha toos isugu dhiibay
kun qadaadka xiirtiyo kumano madaxyo qoomaalan
kun abwaanoo sheegtoo qadfoo seekan qaafiyada
kun fanaana heesihii  qaribay wada qalaadaaya
kun qiyaali raaciyo kumano dhaqamo kale qaatay
kuman haybta lagu quudhsadoo cadho qamuunyaysann
kun qaldamaya kun hor joogsadoo saxa qaloocooda
kuman qumane kun wanaagsanoo wada qamaamuura
oo qayrrba goortay wadaan cidi ka hoos qaadinn
hogaan qabadna loo diidan yahay qaayidnimadooda
intaasuu ,u qaybsamay bulshooy qarankii soomaale
bal qiimeeya idinkaa qiriye gabay qoraalkaygan
—————————————————————
qaynuun kay dhigtaanbay umadi qodobo raacaane
qardhaastiyo sidii koor intaa qalalamtuun haysa
qilaafse aan dhamaanayn dadkeen qoorta loo galiye
qabwaynihiyo kuu quudhsaduu qaxarr ka joogaaye
kala qubatay soomaalidii qarada waynayde
qiiro- qiiro imikay u tahay qoom la qaybsado,e
qaad iyo qabiilkuna bulshada bade qasaaraynne
isna qaraxan soo biiraybaan cidi u qiill haynin
afartaasi waa waxa qaribay biiyay qarankiiye
nabadbaa qurxoon loo amnigu qaalibuu yahaye
eebe laga quustiyo alana qaniga tiisiiye
raboow qaadir khaatumo intood qayrrka garansiiso
quduus adiga kuu qayshadaye qabo hadhaageeda
——————————————————————-
curiye ismaaciil ibraahin yare ismaaciil faaliye