Oodweyne News - Latest Somali News Update

Somaliland oo codeynaysa wiiga soo socda, doorashada ka dib Duruufaha yaala. Washingtonpost By Scott Pegg and Michael Walls

13 Bisha 11 2017, muwadiniinta reer Somaliland waxay dooran doonaan madaxwayne cusub, olalihii doorashadu wuxuu u bilaabamay si quruxbadan badhtamihii bishii tobnaad, sidoo kale, waxaa markii ugu horeysay telefishanada si toos ah uga baxay doodii u dhaxaysa tartamayaasha madaxweynenimo. Sidoo kale waxaa qabsoomay olele balaadhan. Somaliland waxay leedahay taariikh dheer oo doorashooyinka ah, iyo isku wareejinta awooda hogaaminta Somaliland waxay ahayd maxmiyad inriiska ah, shan cisho oo ay haysteen madaxbanaani, kadib waxay la midoobin Somalia badhtamihii sanadkii 1960. Dagaaladii arxandarada ahaa ee ka dhacay Somalia ka dib, waxay Somaliland ka baxday midowgii Somaliyeed 1991 waxay Somaliland noqatey qaran iskii u taagan oo jira, balse aan haysan aqoonsi. Somaliland waxa ku nool 4million oo qof, bad ahaana dhulkeedu waa 68,000 Mile2 . Somaliland waxay yaab galisay goobjoogayaasha caalamiga ah, sida ay isugu dhex wado nidaamka casriga ah ee dimuquraadiyada iyo nidaamka hab-dhaqanka ah, kuwaas oo ah kuwa ay isku dhex isticmaaleen/mileen.

 

 

Xasiloonida iyo deganaanshaha ka jira Somaliland wuxuu si wayn uga lid yahay (cakisayaa), xasiloonidarada, amaan xumada iyo taagdarida dawlada ka jirta Somalia ee ay jaarka yihiin. “Kadib marka laga yimaado hordhac ay u sameeyeen maqaalkoodan Scott iyo Micheal waxaa kale oo ay si kooban uga sheekeeyeen, taariikhda Somaliland, tan iyo markii laga soo bilaabo 1960-kii, ilaa markii ay Somaliland madax-banaanidiideeda lasoo noqotay, waxay xuseen in Somaliland ay aad uga duwantahay Somalia- kale, tahayna dal degan oo nabada, tobanaankii sanadood ee ugu dambeeyeyey ay si habsami leh hogaanka dawladnimo la isku war-wareejinayay, iyagoo kasoo bilaabay madaxweynihii ugu horeeyey, ee Cabdirahmaxaan Ahmed Cali “tuur” kaaso xukumayey dalka intii udhaxaysa 1991-1993, kadibna uu kala wareegey, Maxamed Xaji Ibrahim Cigaal oo lagu soo doortey shirkii Page: 2 Borama ee 1993- joogeyna xafiiska ilaa 2002, halkaana uu kasii amba qaadey Daahir Riyaale oo ahaa madaxweyne ku xigeenkii cigaal, lana wareegey talada dalka markii uu geeriyoday Cigaal, waxaana Riyaale dib madaxweyne loogu doortay 2003 si dimuqaraadiya. Si waafaqsan dastuurka JSL, Madaxweyne Riyaale wuxuu si nabad ah awooda dalka ugu wareejiyey, Axmed Maxamed Silanyo, kadib markii uu ku guulaystay, doorashadii 2010. Madaxweyne Silaanyo wuxuu ka tanaasulay in uu isku sharaxo mar dambe madaxweyne, umana ordayo doorashada hadda. Hubaal ahaan, dimuquraadiyadu maaha in madaxweyne lagu badalo madaxweyne kale, balse waxaa jirta inayna marka xiligeedii ku qabsoomin doorashooyinka, waxaana jira dib u dhacyo ku yimi doorashooyinka madaxweynaha, sidoo kale waxaa Iyana jirta inaan dalka laga qaban doorasho Baarlamaan tan iyo sanadii 2005. Waxay kalooy Scott Pegg iyo Mickeal Walls halkan ku xuseen oo kale, in xadhig iyo tacayadiyo lagula kacay wariyaasha iyo saxaafada madaxbanaan. Sidoo kale doorashadii 2012, goob joogayaashii caalamiga ahaa ee kormeerka ku joogay doorashadii golaha deegaanka, waxay sheegeen in ku cel-celin codadka ah ay jirtey, laakiin guud ahaan hadana loowada aqoonsadey doorasho xor iyo xalaal ah, inkastoo aan hadana lawada odhan waxay ahayd mid u dhacday si xor iyo xalaal ah. Waxaa jirey dib u dhac ku yimi doorashooyinka Somaliland waxay qorshaysay inay mar wada qabato doorashada madaxweynaha iyo ta baarlamaanka sanadkii 2015, abaaro dabadheeraday iyo Murano siyaasadeed ayaa waxay sabab u ahaayeen dib u dhacyo ku yimi doorashooyinka, aabaraha ba’an ee dalkan aafeeyey ayaa waxay ku qasbeen dadka reer miyiga iyo xoola dhaqatada inay guur-guuran, taasi oo keentay dib u dhicii diwaangalinta codbixiyaasha ee bishii sadexaad 2017, Page: 3 Ugu dambayn, Muranada siyaasiga ee u dhaxeeyey xisbiyada siyaasiga ah iyo komishanka doorashooyinka qaranka, iyo dhex-dhexaadintii ay sameeyeen golaha guurtida, waxaa lagu go’aamiyey in doorashada madaxtooyada la qabto Nov 13, halka doorashada baarlamaanka iyo ta -gola deegaanka la qorsheeyey in la qabto Arpril 2019. Go’aanka kala qaadida doorashada madaxweyna iyo baarlamanka iyo go’aanka dib loogu dhigey labada doorashooyin ee baarlamaanka iyo golayaasha deegaanka, waxay siweyn ugu cadhaysiisay wadamada reer galbeed ka ee Somaliland taageera, sidoo kale mid ka mida musharaxiinta mucaaradka ayaa si wayn ugu celceliyey in walaac weyni ka jiro garsoorka habsami u socodka doorashada. laakiin waxaa jira sabab kasta ha noqatee, waxaa lagu rajo qabaa in doorashada madaxweynenimada Somaliland ay noqon doonto mid nabad ah oo ugu dambeyntii lawada aqbalo. Sidoo kale iyana waxa jira walaac laga qabo qalalaase iyo suurtogalnimo amni daro oo ay ku kacaan kooxda argagixisada ah ee al-shabaab. Nidaamka doorashada ee Somaliland ayaa wuxuu xisbi kasta u xadidey/Gaaryeelay maalmo gaar ah inay sameeyeen isku soo baxyadooda, kuwaas oo si degan u qabsoomay, si looyareeyo rabshado dhasho sida doorashadii hore. Nidaamka casriga ah ee (iris-based biometric voter registration ) faraha iyo indhaha laga diwaangaliyo qofka wuxuu noqday mid si wayn loogu guulaystay una wada aqbaleen codeeyayaashu. Tani waxay ka hortageysaa dhibaatooyin badan oo dhaca, sida kuwii lagu xusey (dhaxlay) doorashadii golaha deegaanka ee 2012. Yaa u tartamaya doorashada Madaxweynaha? Sadex xisbi ayaa saaxada garoonka ku tartamaya, Muse Bihi Abdi waa murashaxa madaxweyne ee xisbi xaakimka, Abdirahman Mohamed Abdillahi “cirro” waa murashaxa xisbiga mucaaradka Waddani, Faysal Ali “Waraabe” waa murashaxa xisbiga mucaradka UCID, labada xisbi ee UCID iyo Kulmiye waxay hore uga qayb-galeen doorashooyinkii madaxweynimo ee 2003 iyo 2010, laakiin xisbiga Waddani waa markii ugu horeysay ee u Page: 4 tartamo doorashada madaxweynimo, taasi oo uu ku mutaystay markii tartankii u dhaxeeyey ururada siyaasiga ah 2012 uu ka soo dhex baxey. Doodii murashaxiinta madaxweyaha ee qabsoontay badhtamihii bishii tobnaad (October), dhamaan murashaxiintu waxay isku raaceen baahida loo qabo in wax laga qabto waxbarashada, ladagaalanka shaqo la’aanta iyo baahida loo qabo raadinta aqoonsi caalami ah, ilaa hada ma jiro dal aqoonsadey Somaliland. Muse Bihi, wuxuu balanqaadey in uu kordhinayo doorka dumarka ee siyaasada, sidoo kale wuxuu waajib ka dhigi doonaa inay sameeyeen shaqo qaran ardeyda dugsiyada sare iyo kuwa jaamacada ka qalinjabiya, Abdirahman Ciro wuxuu meel adag iska taagay dooroshooyinka dib u dhaca, wuxuu kaloo balan qaadey inuu xoojiyo awooda bangiga dhexe si loola dagaalamo sixir bararka. Faysal Cali Warabe wuxuu balanqaadey in uu miisaaniyada qaranka wax ka badalayo, una qorsheyn doono daryeelka caafimaadka 15% qarashka odoroska miisaaniyada qaranka. Doorashada ka dib caqabadaha ugu waawayn ee Somaliland horyaala. Mid kastoo guulaysta murashaxiinta tartamaya wuxuu dhaxli doonaa dhaqaale aan cago adag ku taagnayn- oo waliba ah mid ku xidhan lacagaha yare ee ay soo diraan qurba joogtu, iyo dhoofka xoola abaartu daashatey. Sidoo kale madaxweynaha cusubi wuxuu la wareegi doonaa wuxu ugu yeedhay khabiirka cilmi siyaasada ku xeel dheer oo la yidhaa Kenneth Menkhaus, “ dawlad fashil ah” balse haysta “ dad karti leh”, si kale hadii loo yidhaa, qarankani wuu shaqeynayaa, amar iyo kala dambeyntiina way jirtaa, iyo koboc dhaqaale, balse awooda dawladnimo ayaa ah mid xadidan, hay’addaha dawligiina waa qaar aan wanaagsanayn oo misaaniyadoodu yartahay, war-warka ugu weyni wuxuu yahay, in ay somaliland qaran ahaan leedahay awoodo kooban, komishanka doorashooyinka qaranka oo kaliya ayaa loo malaynaa inuu yahay ka kaliya ee shaqaynaya. Miisaaniyad sanadeedkii 2017 waxay dhamayd $362 million, oo ka turjumaysa in qofkasta ay kusoo hagaagayso $100 qarashaadka dawliga ah. Taasoo aynu xusi karno in ay aad uga yartahay cel-celis ahaan inta ay helaan wadamada Africa ee ka hooseeya sahara, Page: 5 amaba-se, wadamada colaaduhu ka jiraan. In ka badan kalabadh miisaaniyadda qaranku waxay ku baxdaa amniga, iyadoo waxyar loo qoondeeyey amaba usoo hadheen, waxbarashadii, caafimaadkii iyo kaabayaashii kale ee dhaqaale ama horumarineed. Ilaa hadda, tani waa mid lagu dhaqmo lana wada aqbalay, sababtoo ah reer somaliland waxay “la haystaal u yihiin nabada” waxayna dhamaantood qiimeeyaan kana doorbidaan waxkasta ilaalinta nabadda iyo xasiloonida guud. Hase yeeshee, kharashaadka horumarinta nolasha aadanaha waa mid baahi wayn loo qabo, si kastoy tahay, waa mid aad u ballaaran, oo dalabaad badan oo dowladda ka mid ah si ay wax uga qabato baahiyahan sii kordhaya. Xubnaha/mudanayaasha Golaha Guurti, ama aqalka sare ee Baarlamaanka lama soo dooran ama lama soo xulin tan iyo laga soo bilaabo 1997-kii. Waxay kordhisteen tiraba dhawrjeer mudo xileedkooda, xubinihii guurtida mudakarka ahaydna waxaa soo wadda badalay dhalinyaro “da’yar” oo ku timi dhaxal. Aqoonyahanadu waxay su’aalo iska waydiinayaan, inay Somaliland hadda isku dhex wadayso qaabka dhaqan ee dadka iyo nidaamka dawladnimo ee casriga ah taasi oo noqankarta “ mid-qalafsan” oo hay’addaha dawligii aanay si fiican u shaqaynkarin, waa Hadiiba ay doorashada Golaha wakiilada qabsoonto 2019, Golaha hadda jooga waxay xafiiska joogeen 9 sano oo dhaafsiisan wakhtiigii 5 sano ahaa ee ay xaqa u lahaayeen ee dastuurku jideeyey. Inkastoo kuwan iyo duruufo kaleba jiraan, haddana waxaa jira waxyaabo lagu niyad samaan karo, waliba iyadoo waxtaryar ay beesha caalamku ku tarto Somaliland, Somaliland waxay kabadbaaday ama kasoo kabatay tiraba laba jeer oo ay soo wajaheen xayiraad la saaray xoolaha nool, kuwaas oo baabiiyey isheedii kali ahayd ee dhaqaale, markii uu si kadis ah u dhintay madaxweyne Cigaal 2002, waxaa yara jirey murano doorashooyinka ku saabsanaa, balse markii madaxweyne cusub “riyaale” la wareegey xafiiska madaxweynaha wuxuu la yimi dardar cusub waxaanu dadajiyey qabsoomida doorashooyinka, wuxuuna dib u hayb yar ku sameeyey hay’addaha dawlada, sidoo kale Page: 6 wuxuu wax ka qabtey nolal maalmeedka muwaadiniinta, sida hadda qorsheysan madaxweynaha shanaad ee Somaliland-tan 26 jirsatey waxaa loo dhaarindoonaa xafiiska madaxweynaha 13 december 2017, waxaanu mas’uul ka noqondoona ilaalinta amaanka iyo xasiloonida guud ee Somaliland ku caano maashay. Qorayaasha:- Scott Pegg waxaa weeyaan Gudoomiyaha waaxda barashada siyaasada ee Jaamacada Indiana- PurdueIndianapolis, waxaanu hadda ka mid yahay koox goobjoogayaal caalami ah oo Somaliland u yimi inay kormeeraan doorashada madaxweynaha. Michael Walls waa macalin weyn oo ka tirsan waaxda qorsheynta ee jaamacada Univerisity College of London, sidoo kale waa isku duwa kooxdan ka socota goobjoogayaasha caalamiga ah, ee Somaliland u jooga inay korka kala socdaan sidan u qobsoonto doorashada madaxweynuhu Waxaa soo Af Somali u turjumey Abdinasir Osman Mohamoud Halkan hoose ku dhufo si aad u daalacato falanqaynta oo ah af English https://www.washingtonpost.com/news/monkey-cage/wp/2017/11/10/somalilandspresidential-elections-take-place-oct-13-after-many-delays/?utm_term=.7341d013c6b8