Oodweyne News - Latest Somali News Update

“Xisbiga Wadani Iyo Taageerayaashiisa Waa Xaaraan Iyo Wax Laga Xishoodo In Somaliweyn Iyo Federaal Lagu Tilmaamo” Wasiir Kaysar

Raad Arooryo Dib Looma Raaco, Xisbiyada Qaranku waa in ay si Sharaf leh u Ololeeyaan degdegna ay u joojiyaan hadalada Xinjirta iyo Xajiinta leh ee Afkooda ka soo burqanaya taasoo Ummada reer Somaliland kala fogaynaysa!

Qaranka Somaliland wuu ka soo gudbay Xilli dib loo soo faqo taariikhihii Madoobaa ee Maryo-Aloolnimo iyo Maleeshiyanimo ee laga soo gudbay cida ku talisa in nabarradaas bogsaday dib loo xoqo oo dib looga dhiijiyo waa cid aan Ummada reer Somaliland u tudhayn, Xabaalo fadhka iyo isku eedaynta Hebel waa Federaal iyo Reer Hebel waa Somaliweyn iyo Xisbi Hebel waa Soomaaliya iyo Cida ku Eedaysa shakhsiyaad gaar ah Fidnadii Dalkeena ka dhacday 1994 labaduba way khaldan yihiin, waxaana waajib ah in Degdeg loo joojiyo luuqadaas Shaydaaniga ah ee Ummada Reer Somaliland isku diraysa taasoo horseedi karta in Dalkeenu uu dib ugu laabto dariiqii Madoobaa ee aynu ka soo gudubnay.

Xisbiga Wadani iyo Taageerayaashiisa waa Xaaraan iyo wax laga Xishoodo in Somaliweyn iyo Federaal lagu tilmaamo , Xisbiga Kulmiye iyo Taageerayaashiisanu waa Xaaraan in Maryo-Aloolnimo iyo Fidnadii 1994 lagu eedeeyo.

Xisbiyada Qaranku Degdeg ha u joojiyaan Luuqadaha Naxliga,Nacaybka iyo Murugada Xanbaarsan ee Afkooda ka soo burqanaya,

Dadweynaha reer Somaliland qofna iyo Xisbina ka yeelli maayaan in Fidno hurada la kiciyo, cidna ka yeelli maayaan inay olole iyo Codad iyo guul iyo goolal siyaasadeed ay ka dhex raadiso soo fiqida taariikhihii Madoobaa ee ay Ummada reer Somaliland soo martay.

Masuuliyiinta Xisbiyadu waa inay u meel-dayaam oo ay aad uga fiirsadaan hadalada ka soo baxaya Afkooda xiligan xasaasiga ah ee Ololaha Doorashada lagu jiro.

Walaalayaal waxaa Qof kasta iyo Xisbi kasta ku waajib ah inuu Degdeg u joojiyo isku eedaynta Hebel waa Somaliweyn iyo reer Hebel waa Federaal iyo reer Hebel waa Jeegasn iyo erayada la midka ah ee wiiqi kara Wada-jirka, Walaalnimada iyo Degnaanshaha Dalkeena Hooyo.

Waynu Wada ogsoonahay dariiqaas oo dib loogu noqdaa dhibta uu Ummad ahaan inoo horseedi karo, Qaranka Somaliland waxa uu leeyahay Cadaw aad u badan oo ina eegaya oo u Rabbi tuugaya in muranada sidan oo kale ahi ay sii xoogaystaan oo Fidno hor lihi ay ka bilaabmato Dalkeena. Waxaa dhamaanteen ku waajib ah in Degdeg aynu u joojiyo wax kasta oo kala fogaynaya Ummadeena.

Ugu danbayn waxaan ugu baaqayaa Gudiga Doorashooyinka Qaranka iyo Hay’ adaha kala duwan ee ay khusayso in ay Degdeg ugu yeedhaan una soo gole-jpojiyaan Madaxda Xisbiyada Qaranka kuna amrraan oo ay u sheegaan inay joojiyaan Ololahan socda oo galay marxalad aan dani ugu jirin Qarankeena.

Wasiir Ku-Xigeenka arrimaha dibadda JSL,Kaysar Cabdilaahi Maxamed

Somaliland ha Guulaysato