Dawlada Maraykanka 476 Milyan ugu Deeqday Abaarah Somaliya

Hay’adda dowladda Mareykanka u qaabilsan kaalmada caalamiga ah ee USAID ayaa ku dhawaaqday in Mareykanku uu 476 Milyan oo dollar ku bixinayo kaalmooyin bani’aadanimo iyo kuwa horumarineed oo muhiimka u ah dadka Soomaaliyeed ee ay soo wajahday abaarta daran.

Bayaan kasoo baxay USAID ayaa lagu sheegay in Mareykanku kaalmada dadka Soomaaliyed uu sanadkan 2022 ku bixiyay ku dhawaad 707 milyan oo dollar oo gargaar bini’aadannimo.

“Waxaa lama huraan ah in saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka ay ku biiraan Mareykanka, si loo kordhiyo deeqaha ay u fidiyaan dadka Soomaaliyeed, si looga horto khasaaraha nafeed ee ka dhalanaya baaqashada roobabka xilliyadii la soo dhaafay iyo qiimaha cuntada iyo shidaalka oo cirka isku shareeray sababo la xiriira dagaalka Ruushka ee Ukraine.” ayaa lagu yiri bayaanka Mareykanka.

Waxay sheegtay USAID in deeqadan cusub ee gaareysaa 476 Milyan loogu tala galay, sahay cunto degdeg ah oo malaayiin qof loogu deeqo, si looga hortago macluusha, gaar ahaan nafaqada carruurta iyo sidoo kale biyo nadiif ah oo la cabo iyo daryeel caafimaad oo degdeg ah, si looga hortago cudurrada ay gaajadu keento.

USAID waxay sidoo kale sheegtay inay siin doontaa qoysasaska Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen lacag ay ku iibsadaan cuntooyinka aasaasiga ah ee suuqyada maxalliga ah, taageeridda dhaqaalaha dalka iyo hubinta in qoysaska wajahaya macluusha ay helaan waxay u baahan yihiin.

Axaddii shalay, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa Muqdishu kula kulmay Madaxa hay’adda gargaarka caalamiga ah ee dawladda Maraykanka USAID Samantha Power oo booqasho ku tagtya Muqdishu.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la wadaagay Samantha Power qorshayaasha hortabinta u leh dowladda Soomaaliya ee dhinacyada wax-soosaarka kalluumeysiga, xoolaha iyo beeraha, iyadoo mudnaanta la siinayo sidii looga maarmi lahaa ku tiirsanaanta gargaarka bini’aadannimo looguna beddeli lahaa maalgashi dhaqaale oo horseeda horumar waara, ayaa lagu yiri war saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker