Kenya oo labo boqol oo Geel ah u tababartay inay ka hortagaan Qaraxyada ka dhaca xadka Soomaaliya

Dowladda Kenya ayaa billowday markii ugu horeysay inay daraasiin Geel ah u tababarto dadaallada wax looga qabanayo amni-darrada ka jirta dalkaas, gaar ahaan Qaraxyada.
Ilaa 200 oo neef oo geel ah ayaa lagu tababaray inay diyaar u noqdaan howlgal ku saabsan inay meel fog ka soo baaraan waxyaabaha qarxa, si looga hortago.

Xoolahan ayaa lagu tababaray meelo kala duwan oo ay ku jiraan dhul sare iyo mid joog hoose, si ay ula qabsadaan xaalad kasta, waxaana meelaha lagu tababaray kamid ah; Buuraha Cherengany, Mombasa, Mandhera, Isiolo, Taita Taveta iyo Naivasha.

14kii july xaflad ka dhacday ismaamulka Isiolo, oo uu ka qeyb galay madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa lagusoo bandhigay tartan loo qabtay Geelkan la tababaray, sida uu qoray The Star.

Dowladda Kenya waxay sheegtay, sida Eeyaha iyo fardaha, in Geela hadda loo tixgalin doono in ay yihiin farac gaar ah, loona bixin doon0 magacyo iyo darajooyin.

“Eeyda bilayska ah ayaa la siiyaa xitaa darajooyin. Geela, waxaan ku jirnaa dadaal ku saabsan sidii looga faa’iideysan lahaa,” ayuu yiri sarkaal la socday qorshayaashan.

Tobankii sano ee la soo dhaafay, waxaa meelo ka mid ah dalka Kenya ka dhacayay weeraro loo adeegsaday walxaha qarxa oo ay maleegayeen ururka Alshabaab.

Tirakoobyada rasmiga ah ayaa muujinaya in Kenya ay ku weyday in ka badan boqolaal kamid ah ciidamada ammaanka, kuwaas oo lagu dilay qaraxyo la soo dhigay waddooyinka.

Ma cadda inta ay qaadan doonto in wax laga qabto khatarta hadda ka taagan xuduudka dheer ee Kenya iyo Soomaaliya

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker